RSS

LONDON: SCOLARI OO ISKA CASILAY XILKA KOOXDA CHELAEA

10 Feb

scolari
Chelsea ayaa boorsooyinkiisii banaanka u dhigtay macalinkeedii Luiz Felipe Scolari xalay, kagadaale markii uu natiijo wax tar leh uu u keeni waayay kooxda isagoo sidii uu u sii waday fadhiisiyay booska 4-aad ee horyaalka Premier League.

Kaaliyihiisii Ray Wilkins ayaa loo magacaabay inuu si kumeel gaar ah u sii qabto shaqdii Scolari, kaasoo shaqadaan markii hore ka dhaxlay bishii June,Avram Grant. Waxaana la rajeynayaa in Chelsea ay ku dhawaaqi doonto sida ugu dhaqsiyah badan macalin cusub.
Scolari wuxuu ahaa macalinkii xulka Brazil u qaaday World Cup in 2002, wuxuuna Chelsea u yimid 6 sano ka dib markii uu macalin u ahaa xulka Portugal.

Chelsea waxey haatan 7 dhibcood ka danbeysaa Manchester United markii ay dhaafi weysay kooxda tacbaanka ah ee Hull oo ay sabtidii 0-0 ku kala tageen. Kooxdani waxey league title qaaday 2005 iyo 2006 waxaana mudo 45-sano ah oo ay ka oomaneyd u qaaday Jose Mourinho, kaasoo shaqada ka tagay markii uu qilaaf soo galay isaga iyo Russian billionaire owner Roman Abramovich.

Sky Sports aya shaaciyay in Guus Hiddink – oo macalin u ah Russian national team – iyo Avram Grant, oo kooxda geeyay League Cup final, iyo the Champions League final, iyo kalainta 2-aad e horyaalka Premier League, ayaa midkood la filayaa iney yimaadaan kooxda.

Macalin Luiz Felipe Scolari, ma ahan macalin sidaa u taariikh badan laakiin wuxuu dhashay bishii Nov 9-keedii 1948 wuxuu ku dhashay in Passo Fundo, Rio Grand do Sul, Brazil

*wuxuu u soo ciyaaray dhowr kooxood oo reer brazil ah , wuxuuna caan ku ahaa central defender. Wuxuu ciyaarihiisaku soo afjaray kooxda CSA in 1982 , isagoo u wareegay dhanka macalinimada
BY: Mohmed A rashiid Mohmud

Advertisements
 
Comments Off on LONDON: SCOLARI OO ISKA CASILAY XILKA KOOXDA CHELAEA

Posted by on February 10, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: