RSS

MOGDISHO: SICIID MUGANBO OO GARAY NIGERIA IYO DOORASHADA CAF

12 Feb

superz09
Guddoomiyaha xiriirka K/cagta Soomaaliya Siciid Maxamed Nuur Mugabme ayaa maanta gaaray caasimadda dhaqaalaha wadanka Nigeria ee Lagos, halkaas oo uga qeyb galayo shir sanadeed ka 31-aad ee xiriirka K/cagta Qaaradda Africa ee CAF, waxaana shirkan uu billaabanaya maalinta talaadada ah, iyadoo lagu dooran doono Guddoomiyaha xiriirka Issa Hayato oo aan cid kale la tartami doonin.

Guddoomiye Siciid oo aan telefoonka kula hadlay ka hor intii aanu saaka aroortii ka duulin garoonka Jomo Kenyata ee magaaladda Nairobi ayaa ii sheegay in socdaalkiisa uu shirkaas ku wajahanyahay sidii uu codkiisa u soo dhiiban lahaa, isla markaana uu kulamo ula soo qaadan lahaa madax ka tirsan CAF iyo xubno ka tirsan FIFA oo shirka goob joog ka noqon doona.

Xoghayaha xiriirka C/qani ayaa lagu wadaa inuu isna gaaro xarunta shirka, wuxuuna ka soo duuli doonaa wadanka Jabuti, waxaana labada mas’uul ay sameyn doonaan xiriiro gooni gooni ah oo ay ku xoogjinayaan xiriirka K/cagta Soomaaliyeed, maadaama uu horumar xoog leh sameynayay bilihii ugu dambeeyay, waxaana Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta uu olole rasmi ah ugu jiraa sidii uu Guddoomiyaha xiriirka K/cagta wadanka Jabuti Hussein Fadoul uu uga mid noqon lahaa xubnaha guddiga Fulinta ee CAF oo Hussein Fadoul uu musharax yahay, waloow booskaas ay kula tartamayaan xoghayaha xiriirka Sudan Magdi Sham El Din iyo haweneyda guddoomiyaha ka ah xiriirka Burund Lydie Nsekera.

Ninka dooran ee ee guddoomiyaha ka ah CAF Issa Hayatou ayaa la dooranayaa markii 6-aad, waxaan jagadan uu qabtay sanadkii 1988, iyadoo loo cusbooneysiiyay sanadihii 1992, 1996, 2000 iyo 2004 ,, waxaa sidoo kale la dooran doonaa 5 ka mid ah guddiga fulinta, zone A iyo B xubnaha ka imaan doonaahi waa dooran yihiin sida guddoomiyaha waxaana boosaskooda sii joogi doona Amadou Diakité oo u dhashay wadanka Mali iyo Amos Adamu oo reer Nigeria ah oo aan musharaxiin kale la tartmi doonin.

BY:Mohamed A Rashiid

Advertisements
 
Comments Off on MOGDISHO: SICIID MUGANBO OO GARAY NIGERIA IYO DOORASHADA CAF

Posted by on February 12, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: