RSS

MILANO:KOOXDA INTAR OO KU TUMATAY CADOWGEDA XAGA KUBADA AC MILAN

18 Feb

superz
BOSASO: MILAN, Italy (AP)— Inter Milan ayaa xalay ku farxalatay AC Milan markii ay 2-1 ku dhaaftay kulankii derby ahaa ee dhex maray kaasoo natiijadii ka soo baxday ay noqtay 9 dhibcood oo ay hogaanka ku sii wadato Inter,11 dhibcood oo nadoof ah waxey ka sareysaa milan oo ay jiirtay xalay taasoo booska 3-aad jifta.

Adriano iyo Dejan Stankovic ayaa inter Milan 2-0 ay qeybtii hore hogaanka ku qabteen u kala dhaliyay , taasoo u sahashay 56 dhibcood ay hogaanka ku sii qabtaan. halka Milan ay ka leedahay 45 points, 2 dhibcood waxey ka hooseysaa Juve’s oo leh 47.

Alexandre Pato ayaa Milan u dhaliyay qeybtii danbe goalka quraha ee ay la timdi, laakiin waxaa u suuragali weysay iney goalal kale helaan, walow Filippo Inzaghi laga diiday goal uu dhaliyay markii lagu sheegay inuu yahay offside.

Inter waxaa ka go,an iney markii 4-aad oo isku xigta ay qaadato horyaalka scudetto iyadoo uu wato coach Jose Mourinho halka Milan way si gurguurad ah ay ugu jirto iney horyaalkii ugu horeysay farah ku dhigto tan iyo 2004.

Media reports ayaa sheegaya in Milan coach Carlo Ancelotti, oo ah macalinkii ugu waqtiga dheeraa macalinmiinta horyaalka Serie A, (Serie A’s longest serving manager) kaasoo xilikaasi loo magacaabay 2001, inuu xilkaasi weyn doono hadii uu xiligaan u qaadi waayo horyaalka.

Juventus ayaa qasaarisay fursad ay xoogaa ku cadaadin laheyd Inter markii ay 1-1 ku kala tageen Sampdoria.

MOHMED A RASHIID MOHMUD

Advertisements
 
Comments Off on MILANO:KOOXDA INTAR OO KU TUMATAY CADOWGEDA XAGA KUBADA AC MILAN

Posted by on February 18, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: