RSS

Garowe:Puntland oo ka soo hor jeeda dorashada sportiga ee Jabuti!!

17 Mar

superz09 Garowe:Sida uu maanta soo qoray Wargeyska Wasaarada Warfaafinta ee dawladda Puntland ee SUBAX WANAAGSAN, lugu sheegay in ay Puntland ka soo horjeedo doorashada dhanka Sportiga ah ee ka dhacaysa dhawaan dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

Wargeyska ayaa warkan ka soo xigtay Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha & Ciyaaraha ee Puntland, waxaana wareysku sheegay in aysan helin xubnahoodii ay ku lahaayeen doorashada ama xubnaha wax dooranaya.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Shaqada, Shaqaalaha & Sportiga ayaa ku waramay in ay heleen 1 xubin oo kaliya, halka ay gobalada qaarkood ay heleen xubno badan oo aysan xaq ulaheyn, wuxuuna ku macneeyey talaabadaasi mid ka soo horjeeda ama siyaasad galineysa Sportiga Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenkan ayaa usheegay wargeyska subax wanaagsan,in ay gudi udireen dalka Jabuuti oo ay ka dhaceyso doorashadan, isagoo sheegay in ay la kulmayaan qabanqaabiyaasha howsha doorashada ayna kala hadlayaan xaalada doorashada iyo sida wax loo qeybsaday.

Dawladda Puntland ayaa marar badan oo hore dhaliisay kooxda Xiriirka Kubada cagta Soomaaliyeed iyo ururada Caalamiga ah ee xiriirka Ciyaaraha oo ay sheegtay in aysan si
cadalaad ku jirto usameyn wax qaybsiga awoodaha Xiriirka Soomaaliyeed, ayna dayacaan gobalada dalka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay dawladda Puntland ayaa ku soo beegmaya xili ay labada maalin ee nagu soo aadan dhaceyso doorashada Madaxweynaha, kuxigeenkiisa & Xoghayaha Ururka NOC ee dalka Soomaaliya oo ka dhici doonta dalka Jabuuti.

Xigasho:allpuntland.com

Advertisements
 
Comments Off on Garowe:Puntland oo ka soo hor jeeda dorashada sportiga ee Jabuti!!

Posted by on March 17, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: