RSS

Tartan lagu maamusayo Elman oo muqdisho ku soo dhamaday

17 Mar

cayraha Mogdisho:Tartamo kala duwan oo lagu maamuusayey 13 guuradii ka soo wareegatey geerida marxuum elman cali axmed ayaa waxaa lagu qabtey garoono kala duwan oo ku yaala magaalada muqdsiho.
artamadan oo isugu jirey dhinacyada kubadda cagta iyo kubadda kolleyga ayaa waxaa soo agaasimey naadiga elman. iyada oo garoomada ay cayaaruhu ka dheceen ay ka mid ahaayeen garoonka dugsiga jabuuti ee degmada wadajir iyo 1da Luulyo ex-luugino ee degmada cabdi casiis.

Garoonka dugsiga jabuuti waxaa ku wada cayaarey kooxaha kubadda cagta ee xamar weyne. waaberi,Dharkenleey.Heliwaa,suuqa xoolaha. waxaana tartankaasi kubadda cagta finalka isugu soo harey Kooxaha X/weyne iyo Waaberi 0-1 waxaa ay guushu ku raacdey Waaberi. kulankii finalka waxaa dawashadeeda ka soo qeyb galey taageerayaal fara badan iyo madax ka tirsan guddiga boorka naadiga Elman. waxaana halkaasi hadalo ka jeediyey Xoghayaha naadiga Elman Yuusuf Cali Nuur(Yuu Cali)

Dhinaca kubadda kolleyga oo ay isaga hor yimaadeen Kooxaha Kubadda kolleyga ee Heehan Vs Nation Link ayaa waxaa ku guuleystey Kooxda Heegan oo la gudoonsiiyey koob aad u badan waxaana gudoonsiiyey Wasiirka wasaaradda sportiga Suleymaan Colaad Rooble. waxaana sidoo kale ka qeyb galey Gudoomiye ku xigenka GOS ahna Gudoomiyaha Kubadda kolleyga Aden Xaaji yabarow (wiish) Gudoomiyaha naadiga Elman Farxaan Cisman Xassan. Kabtankii hore ee qaranlka Siciid Jaamac Qoorsheel.gudoomiayayaal xiriiro iyo dadweyne aad u fara badan.

Wasiirka sportiga suleymaan colaad oo halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu xusey in ay sharaf u tahay inuu ka soo qeyb galo munaasbadaasi marxuum elman isaga oo ka sheekeeyey dadaalkii dhinaca nabadda iyo sportiga ee uu elman ku caan baxay
Gudoomiyaha naadiga elman Farxaan Cisman Xasan ayaa isna sheegey in qorshaha naadiga elman uu yahay in ay sameyaan Naadi Kubadda kolleyga cayaarta oo ay yeeshaan isaga oo balan qaadey in munaasabadan tan xigta ay ka qeyb gali doonaan Naadi elman magaceeda ku cayaarsa.

Xigasho: Cayaaraha.com

Advertisements
 
Comments Off on Tartan lagu maamusayo Elman oo muqdisho ku soo dhamaday

Posted by on March 17, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: