RSS

Sidii Ay isku arkeen Xulalka Aduunka Xlay

03 Apr

superz09 Nairobi:Robbie Keane ayaa goalka bareejada ah u dhaliyay daqiiqadii 89th Ireland iyadoo Italy forward Giampaolo Pazzini ciyaarta laga saaray markii uu xusulka lagu dhuftay difaaca Ireland John O’Shea kaasoo wajigiisa uu dhiig ka daadanayay.

Vincenzo Iaquinta ayaa Italy u dhaliyay goalka 10th minute , Barbardhacaan wuxuu Ireland 2 dhibcood ka hooseysaa Italy oo hogaanka Group 8 haya.

Spain ayaa Albert Riera ka heshay goalka ay kaga badisay Turkey 2-1. xulka heysta European champions wuxuu 6 dhibcood ka sareysaa Bosnia-Herzegovina in Group 5.Bosnia-Herzegovina waxey 2-1 ku qaarijisay Belgium. Halka Estonia ay Armenia 1-0 ku hadaafisay.
Dirk Kuyt ayaa 2 ka mid ah u dhaliyay Netherlands oo 4-0 ku dishay Macedonia, iyadoo John Terry uu goalka badiska ah u dhaliyay 85th minute taasoo ay England a 2-1 ku dirtay Ukraine.
Germany ayaa 4 dhibcood ku qabtay hogaanka Group 4 markii ay 2-0 ku dardartay Wales, halka Franck Ribery uu goalkiisii 20aad 5 maalin gudahood u ka dhaliyay Lithuania taasoo France ay dhibcihii ku qaadatay 1-0 Group 7.

Aniso Macalin Cali

Xafiiska Nairobi

Advertisements
 
Comments Off on Sidii Ay isku arkeen Xulalka Aduunka Xlay

Posted by on April 3, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: