RSS

Hamburg Iyo Werder Bremen ayaa xalay u soo gudbay wareega Afarta

10 Apr

SuperzBERLIN, (Reuters) – kooxaha dalka German ee kala ah Hamburg iyo Werder Bremen ayaa qaaday tilaabooyin ay ku gaarayaan UEFA Cup semifinals kaasoo kulamo ka tirsan xalay laga ciyaaray qaarada yurub.
Hamburg oo daqiiqadii 1-aad ee ciyaartii xalay goal looga hormaray ayaa Manchester City jawaab kulul siisay markii ay u dhiibtay 3-1, halka kooxda ay isla ciyaaraan horyaalka Bundesliga ee Werder Bremen ay 3-1 ku quusisay kooxda reer Italy ee Udinese.

kooxda Shakhtar Donetsk ayaa kooxda ay booqashada ugu tagtay ee Olympique Marseille waxey u dhiibtay 2-0 halka Dynamo Kiev ay 0-0 la gashay Paris Saint-Germain. waxaana lugta labaad loo balansan yahay April 16.

Werden Bremen oo aheyd kooxdi tartankaan ka reebtay AC Milan ayaa goalasha waxaa 2 ka mid ah u kala dhaliyay Diego , halka Hugo Almeida uu goalka kale raacsaday in the 69th. .

Shakhar Donetsk, oo ay u tahay xiligaan markii ugu horeysay oo ay ciyaarto UEFA quarterfinals , ayaa waxey goalasha ka kala heshay Tomas Hubschman in the 39th and Jadson in the 65th.

Xigasho:www.somsports.com

Advertisements
 
Comments Off on Hamburg Iyo Werder Bremen ayaa xalay u soo gudbay wareega Afarta

Posted by on April 10, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: