RSS

Kooxda Olompique Marseile ee dalka Farance ayaa soo dhawatay Hoganka

10 Apr

Marsela Bosaso:Bosaso: kadib markii ay guul daro kala timid kooxda hogaanka haysa ee LYON koobka Championka ayaa dhamnka kale waxaa Horyaalka ku soo Cariirsatay kooxda Olompique Marseile oo iyadu kaalinta labaad soo gashay
Kooxda Kubbadda cagta ee horyaalka dalka Faransiiska Olompique Marseile ayaa waxay ku soo dhowaatey kooxda hogaanka haysa ee Olompic Lyon ka dib markii ay 3-0 ay kaga badisey kooxda xaalkeeda uu xunyahay ee St Etienne Laacibka dhinaca weerarka ugu ciyaara kooxda Marseile ninka lagu magacaabo Maradou Niang ayaa kooxdiisa u saxeexay laba gool oo ka mid ah 3-da gool ee ay kaga badisey kooxda marxaladeedu sida aadka ah u hoosayso ee St Etienne daqiiqadihii ugu dambeeyey ee qaybtii dambe ee ciyaartaasi taasoo ay kooxda Olompique Marseille ay qarka u timid kooxda hogaaminaysa hogaanka horyaalka. Kooxda Marseille ayaa waxa ay qeybta kala horeynta kaga jirtaa ama ay leedahay 85 dhibcood waana kooxda labaad ee haysa hogaanka horyaalka waxaana ay hal dhibic oo qudha ay ka hooseeysaa kooxda Lyon taas oo iyana 3-1 kaga adkaatey kooxda Le Mans iyada kooxdaasina la sheegay in ay u hadhsan yihiin illaa 8 kulan. Weerar yahanka Niang ee weerarka uga ciyaara Marseille oo jinsiyad ahaan ka soo jeeda Senegal ayaa gool layaab leh oo rigoodhe ah oo soo jiidatey indhaha daawadayaasha ciyaarta ka dhaliyey goolhayaha kooxda St Etienne waxaana kooxdiisa ay iminka ay taagantahay kaalinta 18- aad.
Goolka saddexaad ee ay kooxdaasi ay dhalisay ciyaaryahanka reer Brazil ee Brandao kadib markii uu karoos la yaab leh ka helay ciyaaryahan Niang ,oo dhaliyey laba ka mid ah goolasha. hadaba waxaa is weeydiin mudan sidee ula wareegi kartaa Hogaanka iyo inta ay ku qaadaneyso la wereegistisa waanu wada dhowreynaa

Superz09

Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Kooxda Olompique Marseile ee dalka Farance ayaa soo dhawatay Hoganka

Posted by on April 10, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: