RSS

Mogdisho:Shirweynaha 6aad ee xiriirka shataranjiga oo lagu doortey gudoon

12 Apr

Somali_sports Mogdishso:
Xaflado si weyn loo soo agaasimey oo lagu dooranayey xiriirka shataranjiga ayaa waxaa lagu qabtey hotelka naasahablood 2 ee magaalada muqdisho.iyada oo ay xafladdaasi ka soo qeyb galeen wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo sportiga.guddiga olombikadda soomaliyeed, qaar ka tirsan madaxda xiriirada, wakiiladda dugsiyadda gobolka banaadir iyo Bahda saxaafadda .
Ugu horeyntii waxaa halkaasi ka hadley Axmed xassan Cabdi (Wataac) oo sharaxaad ka bixiyey dadaalkii xiriirkiisu u soo galay kor u qaadida ciyaaraha shataranjiga iyo in laga hirgeliyo dugsiyadda gobolka banaadir,waxaana halkaasi lagu soo bandhigey filim documentari ah oo ka hadlaaya wax qabadkii xiriirka shataranjiga iyo taratamadii iyo shirarakii ay uga qeyb galeen dalka dibadiisa.iyada oo halkaasi 15 garoon ee ciyaarta shataranjiga lagu wareejiyey guddiga ururka shataranjiga ee schoolada gobolka banaadir.
Waxaana sidoo kale halkaasi ka hadley wasiirka sportiga suleymaan colaad rooble iyo Gudoomiyaha Gos Aaden xaaji yabarow iyaga oo qirey in xiriirka shataranjigu yahay mid muhiim ah isla markaana la doonayo in sanadaha soo socda la hello ciyaartoy guulo ka keeni karta Taratamada dibadda ka dhici doona.

Xigasho:Waaga cusub

Advertisements
 
Comments Off on Mogdisho:Shirweynaha 6aad ee xiriirka shataranjiga oo lagu doortey gudoon

Posted by on April 12, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: