RSS

Arshavin oo wacdaro dhigay

25 Apr

arshavin1 Bosaso: Liverpool ayaa 4-4 dirqi ah la gashay Arsenal xilli ay dhamaatay ciyaartii ay iskaga hor yimaadeen , laakiin waxaa xalay ku si gaar ah ugu yaabiyay Andrei Arshavin 4-ta goal ee Reds laga dhaliyay ka wada dhaliyay, taasina Reds waxey u

keentay dib u dhac yar oo xaga horyaalka ah English Premier League.
Yossi Benayoun ayaa dhamaadkii ciyaarta goalka barbardhaca ah u dhaliyay kooxdiisa Liverpool isagoo dib ugu soo celiyay hogaanka horyaalka oo ay hada goal tirsi ku heyso.

Manchester United oo ay horyaalka ku dagaamalayaan ayaa mid ka mid ah labadeda kulan ee u harsan waxey ciyaari doontaa caawa , kaasoo ay la ciyaari doonto Portsmouth.

Fernando Torres iyo Benayoun ayaa min 2 goal u kala qaatay goalasha Liverpool.

Natiijadii xalayna waxey qasab kaga dhigeysaa iney badiyaan 5-ta kulan oo u hartay halka loo baahan yahay in United 2 ka mid ah qasaarto 7-da kulan ee u hartay.

Arsenal 9 dhibcood waxey ka hooseysaa Liverpool,waxeyna fadhidaa booska 4-aad—booskaasoo ah kan ugu hooseeya ee loogu soo baxayo Champions League. Arsenal shaqo kale ayaa u taala todobaadka soo socda oo ay ciyaari doonto European semifinal against Manchester United.

Liverpool: Reina, Arbeloa, Carragher, Agger, Aurelio, Alonso, Mascherano, Benayoun, Kuyt (El Zhar 86), Riera (Babel 74), Torres.

Subs Not Used: Cavalieri, Dossena, Lucas, Ngog, Skrtel.

Goals: Torres 49, Benayoun 56, Torres 72, Benayoun 90.

Arsenal: Fabianski, Sagna, Toure, Silvestre, Gibbs, Arshavin, Song, Fabregas, Denilson (Walcott 65), Nasri, Bendtner (Diaby 90).

Subs Not Used: Mannone, Eduardo, Vela, Ramsey, Eboue.

Goals: Arshavin 36, 67, 70, 90.

Att: 44,424

BY:Mohamed dhere
xafiiska bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Arshavin oo wacdaro dhigay

Posted by on April 25, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: