RSS

Arsenal oo sidii lagu yaqaanay Aanan U ciyarin Arsenal Vs Man utd

02 May

superz09 Bosaso:
Hadii la yiraahdo waxaa Awood badnaa Man utd ama Arsenal kee sax
faaladan ayaan ku eegaynaa oo noo diyariyay superz09 On the desk
Kooxda heysata horyaalnimada kooxaha Yurub ee
Champions League Man.United ayaa hal talaabo hore u
qaaday si ay u noqdaan kooxdii ugu horeysey ee labo sano oo xiriir ah
ku guuleysata Champions League
markii ay kulankii hore ee semifinaalaha 1-0 ku dhufteen kooxda ay isku dalka yihiin ee Arsenal.
Man.United oo u ekeyd koox kusoo tashatey iney
dilaan rajada Arsenal sida ugu dhakhsiyaha badan
ayaa weerar aan kala go`leheen kusoo qaaday goolka
Arsenal iyadoo 15kii daqiiqo ee bilowga cayaarta labo
fursadood oo waa weyn helay laakiin uu is hortaagay
boortaha Arsenal Almunia inkastoo daqiiqadii 18aad
uusan waxba ka qaban karin darbo xoogan oo uu John O’ Shea ku
luxay shabaqa markii ay difaaca Arsenal ku guuldareysteen
iney iska bixiyaan koorno lasoo gamay oo gooshooda ku dhex noqnoqatay.
Arsenal oo goolkaas ka dib loo maleynayey iney difaaca
kasoo baxayaan ciyaartana la qeybsanayaan Man.United
ayaan waxba iska bedelin iyadoo qeybtii hore ee ciyaartana
lagu kala nastay 1-0 iyadoo Arsenal aysan wax fursad ah helin.
Arsenal inkastoo markii dambe ay banooniga la qeybsadeen Man.United
hadana gool bareejo ah oo ay dhaliyaan waxaa ka dhowaa in gool labaad laga dhaliyo.
Rajada Arsenal ma xuma oo hadii London la isugu tago todobaadka soo
socda waa natiijo ay kasoo noqon karaan iyadoo rajada
labada kooxba aysan dhiman ka hor kulanka labaad.
Difaaca birta ah ee Man.United Ferdinand ayaa dhamaadkii ciyaarta
dhaawacmay markii ay isku dheceen boortaha kooxdiisa Van Der Saar inkastoo aan la
ogeyn inta uu gaarsiisan yahay hase yeeshee waxaa hadal heynta kulankaan qaatay
xidiga ruug cadaaga ah ee Man.United Ryan Giggs oo caawa bedel
kusoo galay saftayna kulankii 800 isagoo xiran maaliyada Man.United.
waxaa is weydiin mudan sid ay Noqon karto iyo kartida ay yeelan kadho
marka loogu tago Gurigeda Flay Emarats ee London
Hadii ay noqoto in laga badiyo Chelsea iyo Arsenal waxaa Guul daro
u soo hoyatay Magalada London

Mohamed Abdi rashiid
Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Arsenal oo sidii lagu yaqaanay Aanan U ciyarin Arsenal Vs Man utd

Posted by on May 2, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: