RSS

Kooxd Real Madrid OO xalay Lagu Talax Tagay!!!!

03 May

barcelona Bosaso:Waxaa wacdaro dhigay ciyaar yahanda kooxda Barcelona
oo u ekaa kuwo ey ka goantahay in ay kaga taqalusaan
Real madridKulankan oo ah mid in badan la xusuusan doono ayaa ku bilowday weerar iyo weerar celis iyadoo markiiba la dareemayey sababta kulankan u yahay kan ugu caansan ee ay labo koox isku arkaan, Higuain ayaa furay bandhigii kulankan markii uu goolkii ugu horeeyey ee cayaarta madax ku dhaliyey daqiiqadii 14aad ee bilowgii qeybtii hore waxaase degdeg ugu jawaabay Henrry oo 4 daqiiqo ka dib dhaliyey gool qurux badan oo ahaa kuwii uu ku caanbaxay waagiisii Arsenal ee loogu magac daray goolkii Henrry.
Kabtanka Barcelona Carles Puyol ayaa teesto ku dhaliyey goolkii 2aad ee Barcelona daqiiqadii 20aad waxaana soo afjaray feestada qeybtii hore ee kulankan ciyaaryahanka ugu wanaagsan waqti xaadirkan loona maleynayo inuu ku guuleysan doono abaalmarinta xidiga sanadka Lionel Messi oo caawa ahaa farqiga u dhexeeyey labada koox.
Barcelona oo ka ciil qabtay guuldaradii sanadkii hore ka raacday labadii kulan ee El Clasico ayaan u turin kooxda ay martida u ahaayeen iyagoo 3 gool oo kale shabaqa la helay waxaana u kala dhaliyey Lionel Messi, Henrry iyo ciyaaryahankii hore ee Manchester United Pique oo dhaliyey goolkii 6aad oo taariikhda galay maadaama ay ahyed markii ugu horeysey oo ay Barcelona 6 gool kaga soo adkaato Real Madrid, sidoo kale goolkan wuxuu ahaa kii 100 ee ay Barcelona sanadkan dhaliyaan iyagoo hada ku dhow iney jebiyaan iskoorka Real Madrid ee goolasha ugu badan hal horyaal oo ahaa 107 gool.
Real Madrid oo labadii sano ee lasoo dhaafay ku guuleysatey horyaalka Spain ayaa hada u muuqata iney ka niyad jabeen ku guuleysiga horyaalka maadaama farqiga xaga dhibcaha oo kulankan ka hor ahaa 4 dhibcood hada uu noqdey 7 dhibcood iyadoo kulamada harsan ay yihiin 4.
Weli ma dhiman rajada Real ka lahaan karto horyaalka laakiin waa iney mucjiso dhacdaa si ay Barcelona ugu guuldareysato in loo caleemo saaro horyaalnimada Spain, waa in Barcelona laga badiyaa ugu yaraan 2 kulan midna ay bareejo gashaa 4ta kulan ee u hartay Realna ay wada badiso taasoo ah rajo fog.
AkhiyaarLaakiin xaqiiqda waa in caawa ahaa habeenka Barcelona sanadkana uu yahay kii Barcelona oo marka lagu daro horyaalka Spain ku guuleysan karta koobka koobabka Spain oo ay finaalaha soo gaareen iyo weliba kan kooxaha Yurub ee Champions League oo ay semifinaalaha wejigiisa labaad todobaadkan lasoo ciyaari doonaan kooxda Chelsea.waxaana
uu Ekaa mid loogu sii digayo kooxda Chelsea oo iyadana Ciyaarti ugu danbeysay badisay
markii ay kooxda Fulham ku Tuntay 3goal iyo hal goal waxaana u kala safanay ciyaartasi
adkeyd hadii aan ku horeyno
Real Madrid Cassillas, Ramos (Van Der Vaart 72), Metzelder, Cannavaro, Heinze, Diarra, Gago, Robben, Raul, Marcello (Huntelaar 58) , Higuain
Subs not used: Dudek, Drenthe, Faubert, Torres, Javi Garcia
Barcelona (4-3-3): Valdes, Alves, Pique, Puyol, Abidal, Xavi, Toure (Busquets 85), Iniesta (Bojan 86), Messi, Henry (Keita 61), Eto’o
Subs not used: Jorquera, Caceres, Gudjohsen, Sylvinho

Mohamed Abdirashiid (Akhiyaar)
Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Kooxd Real Madrid OO xalay Lagu Talax Tagay!!!!

Posted by on May 3, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: