RSS

Maamulka Chelsea Fc oo iska fogeyay in ay wax ka ogyihiin Dilka loogu Hanjabay Garsooe

10 May

chelsea-flag Nairobi: Chelsea iayaa hadal ay soo saartay waxey ku
canbaareysay ficil kasta oo looga hanjabayo garsoorihii ka hiiliyay ee Tom Henning Ovrebo
kagadaale markii la sheegay in hanjabaadyo dil ah ay ka soo gaareen taageerayaasha kooxda chelsea .

Saxaafada gudaha ayaa ku soo warantay in fariimo dil ah loo soo marsiiyay qadka internet-ka
garsoorahaasi reer Norwe taasoo wal-wal badan ku abuurtay “iyadoo la dili doonto inta uusan
wadanka ka bixin, waxaa haatan hotel-ka uu dagan yahay ku hareereysan ciidamo police ah.

“iyadoo tix raaceysa wararkii ay media baahiyeen ee ahaa in garsooraha dil loogu hanjabay
, Chelsea Football Club waxey cadeyneysaa iney bari ka tahay waxaasi isla markaan ay canbaareyneyso,
iyadoo aysan falalkaasi wax lug ah ku laheyn ciyaartoydeeda, saaraakiisheeda sar sare iyo taageerayaahseeda
intaba,” ayaa hadalka kooxda lagu sheegay .

“hadii wax cadeyn ah loo keeno ficilkaasi , Chelsea waxey tilaabo culus ka qaadi doontaa shaqsi
waliba oo heysta season ticket holders or members kaasoo ku lug yeesha falkaasi .

Taageerayaasha Chelsea waxey aad ugu niyad jabeen wixii uu sameeyay Ovrebo taasoo aheyd inuu si indho la’aan ah
uu u dafiray rigoorooyin sax ah , ciyaartii 1-1 ku dhamaatay ee Stamford Bridge ka dhacay taasoo ay Barcelona ku soo
baxay away goals rule. hadaba waxaa si cad iskaga fogeyay wararkaasi maamulka sare ee Chelsea
iyadoo la sheegay cidii lagu helo in ay falalkaasi ku lug yeelato laga qaadi doono Tikectka Chelsea fc

Aniso Macalin Ali
Xafiiska Nairobi

Advertisements
 
Comments Off on Maamulka Chelsea Fc oo iska fogeyay in ay wax ka ogyihiin Dilka loogu Hanjabay Garsooe

Posted by on May 10, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: