RSS

Kooxda Real Madrid Ayaa Laba Ciyaarood isku xiga Laga Badiyay Saabab

11 May

Real Madrid Fc Bosaso:::Waxaa maanta fooda is daray kooxaha ugu caansan horyaalka Spain
isla markaana ay usaftaan ciyaaryahano qatar ah Valencia iyo Real
Madrid, iyadoo ciyaartu ay ahayd mid 90-daqiiqo ee loogu talo
galay ay ku gacan saraysay kooxda Valencia iyadoo ciyaaryahan
J.M. Mata uu daqiiqadihii 29, goolkii 1-aad u saxiixay iyadoo daqiiqadii 32-aadna uu goolkii labaad
ka dhaliyey D. Silva, Real Madrid oo baryahaan goolal tiro badan shabaqeeda laga dhalin
ayo ayaa iska daafacyadeeda ay ka muuqdaan daal tiro badan iyadoo sannadkaan aysan helin wax koob ah.

Real Madrid ayaa baryahaan la ildaran ciyaaryahanada ka ciyaara
dhexda iyo daafaca maadaama kulamadii ugu danbeeyey laga
dhalinayo tiro goolal ah waxaana caawa mar kale shabaqeeda
lagu hubsaday 3 – 0 oo aan hore loogu baran in Real Madrid goolal intaasi la eg laga dhaliyo.

Ciyaartooydii ukala safatay ayaa waxaa ay ahaayeen:

Valencia: Cesar – Miguel, Albiol, Maduro, Alexis – Marchena,
Baraja, Joaquin, Silva (Michel 55) – Mata (Vicente 76), Villa

Real Madrid: Casillas – Ramos, Cannavaro, Metzelder, Heinze –
Javi Garcia (Van Der Vaart 57), Gago, Marcelo (Drenthe 82) – Robben, Raul, Higuain

Goolasha
Mata 28
Silva 32
Baraja 67
Kooxahii kale oo wada kulamay ayaa wacay isku arkeen sidaan:
Athletic Bilbao 1 – 0 Real Betis
Sevilla 3 – 1 Mallorca
Valencia 3 – 0 Real Madrid
Real hada waxaa iska cad in ay Horyaalka ka samirtay balsea waxaa ay u Durbaan
tumaneysaa sidii ay u soo heli lahayd sanadka danbe ciyaartoy Qiimo leh oo horyaalka
u qaada isla markaasna ka mayra dhibtii Horyaalkaan ka soo Gaartay

Mohamed Akhiyaar
Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Kooxda Real Madrid Ayaa Laba Ciyaarood isku xiga Laga Badiyay Saabab

Posted by on May 11, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: