RSS

Ronaldo OO la Yaabay Badalka Lagu sameyay

11 May

56_ron_280x390_800423a Kooxda Manchester United ayaa ku durdurisay kooxda ay xafiiltamaan isku
magaalana kasoo wada jeedaan ee Manchester City iyadoo qeybtii hore ee
ciyaarta Ronaldo iyo Teves ay quusiyeen ka dib markay kaga adkaadeen 2 – 0 ciyaar ka dhacday Old Trafford.

C. Ronaldo ayaa goolkiisa ahaa laad xor ah oo uu ka tuuray meel 40 mitir u
jirta goolka Man City iyadoo gool hayaha uuqaban karay balse ay ka fakatay, goolka
Teves ayaa ahaa mid uu usoo salaxay Berbatov isagoo si xarago leh kubad aad u xoog
badnayd ku laaday goolka City birtana ku dhuftay ka dib goolka gashay.

Ronaldo oo la badalay daqiiqadii 56-aad ayaa aad ugu carooday
badalkii lagu sameeyey isagoo muujiyey inuusan raali ka ahayn in la badalo,
Ronaldo oo kaamirada ay haysay ayaa madaxa ruxayey diidmadiisa inuu kasoo baxo garoonka isagoo doonayay inuu dhamaysto, tababare Fergusana wuxu ku xisaabtamayaa inuu ciyaarta Talaadada keydsado maadama ciyaarta caawa ay ku gacan sareeyeen.

Sir Alex Ferguson oo saxaafada la hadlay ayaa u sheegay in Ronaldo uu ka mid
yahay ciyaartooyda uu ku tashanayo uuna ku xisaabtamayo in ay xajistaan hogaanka
horyaalka isla markaana ay sugayso Finalka Championka, sidaasi darteed buu yiri waa
inaay ciyaartoyda ahaadaan kuwa mar waliba firfircoon oo aan daal ka muuqan.

Ferguson ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo Carlo Teves oo heshiiskiisa ku eg xagaagan
marka uu dhamaado inuu sii joogayo iyo inkale.

Manchester United ayaa ku kali noqotay hogaanka Premier League ee dalka Ingiriiska iyadoo
ku hogaaminaysa 3 dhibcood oo nadiif ah, waxayna habeenka
Talaadada la ciyaari doontaa kooxda Wigan, kulankan ayaa ah mid horey
ugu baaqday oo hadii ay badiso waxay natiijadeedu noqon doontaa kulanka xiga
inaay Bar baro xitaa ku qaado hadiisa laga badiyo xaalkeeda ma fiicna oo rajadeedu
waa ay sii yaraanaysaa maadaama laba kulan oo kaliya ay u hari doonto.

Si kastaba ha ahaatee Manchester United ayaa hanashadeeda Premier League-ha Ingiriiska
ugu hareen oo qura inaay hesho 4 dhibcood oo qura sedex kulan oo u haray.

SUPERZ09
Xafiiska Superz09

Advertisements
 
Comments Off on Ronaldo OO la Yaabay Badalka Lagu sameyay

Posted by on May 11, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: