RSS

Gennaro Gattuso oo la Shaaciyay in uu ku soo laaban doono Garomada

13 May

GATTUSO  GENNARO IVAN MILANO:-Mashiinka qadka dhexe ee kooxda AC Milan
Gennaro Gattuso ayaa dib ugu soo laabtay garoomada kadib
marki uu ka maqnaa ciyaaraha kubada kacta mudo shan bilood ah.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa saftay ciyaar a
y xalaly kooxda AC Milan la ciyaartay xulka qaranka Albania taasoo
aheyd koob sanadkiiba ay mar ciyaaraan.

Gattuso ayaa saftay 45 daqiiqo oo ka mid ah ciyaartaasi oo ay Milan ku
badisay rigoorayaal 8-7 ah kadib marki ay ku dhamaatay bareejo 3-3 ah,koobkan oo
lagu magacaabo Taci Oil ayaa waxaa lacago loogu yaboohaa caruurta dalka Albania.

Sida uu sheegay macallinka Milan Carlo Ancelotti,ciyaaryahanka
ayaa la filayey in uu garoomada kusoo laabto bisha June ee
sanadkaan marki la marsiiyey shan ilood ka hor qaliin kadib
dhaawc culus oo soo gaaray,waxaase haatan uu sheegay in uu ciyaari karo xitaa 90 daqiiqo.

“Runtii waxaan la qiireeysanahay kusoo laabshada garoomada
yeelay shan bilood ayaan dhaawac uga maqnaa,laakin haatan
waxaa isoo laabatay kalsoonideeydii”sidaa waxaa uu usheegay
Gattuso Telafishinka kooxda AC Milan ee Milan Channel.

Milan ayaa Axada la ciyaari doonto kooxda Udinese
waxaana ay ku qasbantahay in ay ka badiso kooxdaan
adag si ay uxafidato booska labaad ee horyaalka Talyaaniga. Hadaba waxaa
la is weydiinayaa halka uu ku ciyaari doono ciyaar yahnkii boskisa
Buuxinayay ee Becham oo isagu ku soo waregay naadigaasi ka dib
Jabniinkii Gatuuso

FARXAAN JAAMAC CISE
XAFIISKA KAMPALA

Advertisements
 
Comments Off on Gennaro Gattuso oo la Shaaciyay in uu ku soo laaban doono Garomada

Posted by on May 13, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: