RSS

Kooxda Barcelona OO ku Guleysatay Koobka Boqorka Dalkeda

15 May

Bosaso:Barcelona: Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa ku guuleysatay 11-sanno ka
dib Koobka loo yaqaan Copa del Rey ama Spanish Cup oo baahi badan
ay u haysay, ka dib markii kooxda Athletic Bilbao ay ku garaacday 1 – 4.

Kooxda Barcelona oo aanan wax koob ah arkin tan iyo 2006-dii oo
ay ku guuleysatay Supercopa, horyaalka dalkeeda iyo Champion League
ayaa haatan dib usoo ceshatay hanashada koobab tiro badan iyadoo
haatan ay qarka usaaran tahay inaay ku guuleysato horayaalka dalkeeda
halka Horyaalka Championka ay Final joogto.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa goolka ku hormartay balse waa ay difaacan
weyday goolkeeda uu u dhaliyey G. Toquero daqiiqadii 9-aad, hase

yeeshee ciyaaryahanka qadka dhexe Y. Toure ayaa barbareeyey daqiiqadii 32-aad.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1 – 1, markii la isugu soo
laabtay qeybtii danbe ee ciyaarta ayaa daqiiqadii 55-aad
Loniel Messi ayaa usuuragashay inuu keeno goolkoodii labaad iyadoo
wixii markasi ka danbeeyey ay Barcelona la wareegtay maamulka iyo
maareeynta garoonka waxaana goolkii sedexaad ka dhaliyey Boyan
halka goolkii Afraadka uu saxiixay Barcelona ciyaaryahanka qadka dhexe Xavi.

Kooxda Barcelona ayaa koobkaani Spanish Cup ugu danbaysay 11
sanno ka hor 1998-dii oo markaasi ay u ciyaarayeen Hristo Stoichkov oo
reer Bulgaariya ah, Rivaldo oo reer Brazil ah oo haatan u ciyaara kooxda
Bunyodkor oo ka dhisan dalka Uzbekistan isla markaana u uleeyahay
madaxweynaha dalkaasi Mogi Mirim EC, sidoo kale
waxaa sannadkaasi u ciyaarayay xidiga waagaasi
Barclona Luis Enrique, sidoo kale Tababaraha hada
layliya kooxda Barcelona Josep Guardiola, iyo waliba xidigii Yurub ee
xiligaasi Luis Figo oo haatan u safta kooxda Inter ee dalka Talyaaniga.

Athletic Bilbao ayaa iska lumisay fursad qaali u ahay oo hadii ay badiso
u noqon lahayd inaay ku guulaysato koobka 25sanno kadib oo
aysan wax koob ah arkin iyadoo xiligaasi ku guulaysatay koobka
Horyaalka La Liga iyo Copa Del Rey sannadka markuu ahaa 1984.

Mohamed Aqiyaar
Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Kooxda Barcelona OO ku Guleysatay Koobka Boqorka Dalkeda

Posted by on May 15, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: