RSS

Coachka Juventus oo shaqadii Lagaa Eryay

19 May

images1328748_claudio_ranieri Kooxda K/Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa ceyrisay
tababarahoodii ninka la yiraahdo Claudio Ranieri iyada oo si
KMG ah xilkaasi loogu magacaabay macallinka kooxda junior-ka
Juventus Ciro Ferrara kaasoo wadi doona kooxda labada kulan ee ka harsan horyaalka dalka Talyaaniga.

Hadal kooban oo ay galabta soo saartay Juventus ayaa waxaa lagu
sheegay in maamulka kooxda uu go,aansaday in shaqada laga eryo macallin Ranieri kadib markii uu usoo hooyey naadiga guuldarooyin,gaar ahaan todobadi kulan ee ugu danbeeysay oo ay
kooxda aaney haba yaraatee guuleysan.

“Juventus waxey cadeeyneeysaa in ay ceyrisay tababare Ranieri
waxaana ay ku bedeshay macallinka kooxda labaad Ciro Ferrara,xilliga uu
la joogi doono Ciro Ferrara dib ayaan kasoo sheegi doonaa”sidaa waxaa
lagu yiri hadal qoraal ah oo kasoo baxay kooxda Juventus.

Kooxda ka dhisan magaalada Turino ee Juventus ayaa hal dhibic ka
sareeysa kooxda kaalinta afaraad ee Fiorentina iyadoo ay ciyaaraha
Talyaaniga ka harsanyihiin laba kulan oo qura,waxaana Juve ay
qatar ugu jirtaa kaalinta afaar dib ugu dhacdo iyadoo taasi ay ku
qasbi doont in ay is reeb reeb ugasho ciyaaraha Koobka Yurub.

Ferrara, oo ah daafac horay ugu soo ciyaaray kooxda Juventus
ayaa sidoo kale ah tababare ku xigeenka xulka qaranka,waana marki ugu horeeysay oo uu naadi tababare u noqdo.

Ferrara ayaa sidoo kale horay ugu soo ciyaaray kooxda Napoli ee
dalka Talyaaniga,waxaa uu horay uga soo mid noqday xulka qaranka
Talyaaniga,waxaa uu soo qaaday todobo horyaal oo ka tirsan dalka
Talyaaniga iyo koobka Horyaalada Yurub oo lasoo qaaday kooxda Juventus sanadi 1996-kii.

ON Superz09
Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Coachka Juventus oo shaqadii Lagaa Eryay

Posted by on May 19, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: