RSS

Dalka Englend Oo ku soo Biiray dalalka u sharaxan Marti galinta Koobka Adunka 2018

19 May

saadaq89@h Bosaso:Xaflad ku dhawaaqista, martigalinta koobka adduunka ee 2018 ama 2022 ee
wadanka Ingiriiska, ayaa maanta ka dhacday garoonka Wembley ee
magaaladda London, waxaana xafladdaas ka soo qeyb galay marti
sharaf badan oo ay ka mid ahaayeen dhaxal sugaha boqortooyada
Ingiriiska Prince William, Ra’iisul Wasaare Gordon Brown iyo qaar ka
mid ah ciyaartooydii hore qaranka ee hore iyo kuwa hadda ciyaara oo ay ka mid yihiin Sir Bobby Charlton, Sir Geoff Hurst, Wayne Rooney iyo David Beckham.
Ingiriisku wuxu sheegay inuu diyaar u yahay marti galinta dhacdada
ciyaaraha ugu weyn adduunka ee Koobka K/cagta adduunka ee 2018, sidaas oo kale haddii ay ku fashilmaanta aysan ka deyrineyn marti galin koobka xiga ee 2022.
Wadanka Qadar ee qaaradda Asia ayaa isna soo gudbiyay
hammigiisa ku aadan qabashada ciyaaraha koobka adduunka ee 2018,
waxayna sheegeen inay leeyihiin awoodaas ay ku
martigalin karaa ciyaarahaas xiisaha badan, iyagoo intaas sii
raaciyay inay noqon karaan wadankii ugu horeeyay ee carab ah oo ciyaarahaas lagu qabto.
Wadamada hore u soo gudbiyay codsigaas marti galinta waxaa ka mid ah:-
2018 or 2022: Australia, Belgium-Netherlands, England,
Indonesia, Japan, Mexico, Portugal-Spain, Russia, iyo US
2022: Qatar, South Korea hadaba waxaa kale oo jira wadano kale
oo iyaguna ku Han weyn sidii ay u marti galin lahayen World Cupka
sanadaha ku waasi ka sii danbeya

MOHAMED ABDIRASHIID
XAFIISKA BOSASO

Advertisements
 
Comments Off on Dalka Englend Oo ku soo Biiray dalalka u sharaxan Marti galinta Koobka Adunka 2018

Posted by on May 19, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: