RSS

Kooxda Reer Ukren ee ShakhTar OO qaadatay Koobkii uafa

22 May

shaktar1 IsTanBul::koobka UEFA Cup ayaa waxaa kama finalkiisa xalay wada ciyaaray labada
kooxood ee Shakhtar Donetsk iyo Werder Bremen ayagoo ku ciyaaray garoonka
Istanbul, halkaas oo kooxda reer Ukrainian ay ku hanatay Horyaalka koobka UEFA Cup.
Shakhtar Donetsk ayaa waxa ay noqotay naadigii ugu horeeyay ee
Ukrainian ah ee ku guulaysta koobka UEFA Cup ayagoo garaacay kooxda Werder Bremen kadib
daqiiqado dheeraad ah oo ciyaartii Istanbul ka dhacday lagu daray.

markii ugu horeesay ee koobka UEFA Cup final-kiisa ay labada naadi ku
kulmaan ayeey u suurta gali waysay in ay ku kala baxaan 90 daqiiqo ee ciyaarta
loogu talagalay ayadoo markii lagu daray waqti dheeraad ah kadibna uu guusha u
horseeday kooxda Shakhtar halyeeygooda Rodrigues Jadson.Kooxda reer
Ukrain ayaa dhab ahaantii ciyaarta ku bilowday dardar aad u wanaagsan ayadoo
ciyaaryahan Luiz Adriano uu sigay inuu ku furo goalka 5 daqiiqo oo qura mar ay socotay
ciyaarta balse waxa uu mariyay meel wax yar un u jirta goalhayaha.

Ciyaaryahankan reer Brazil ayaa wax yar un kadib waxa uu shaqabaqa ku
hubsaday goal uu aayar ka dulqaaday goolhayihii reer Germany taasoo
hogaanka siisay kooxdiisa Shakhtar.kooxda reer Ukrain ayaa waxa
haleelay waxoogaa walaac ah dhanka danbe ee daafaca kadib markii uu
boortiyeerigooda Andriy Pyatov uu shabaqa ka celin waayay
banooni laad xor ah ahaa oo uu soo laaday Naldo taasoo ay
barabaro ku heshay Weder.

XIGASHO: Waagacusub.com

Advertisements
 
Comments Off on Kooxda Reer Ukren ee ShakhTar OO qaadatay Koobkii uafa

Posted by on May 22, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: