RSS

Captankii Hore AstonVila OO u weregay Man City

05 Jun

gareth_barry_790918c_feature Bosaso: Kabtankii kooxda Aston Villa Gareth Barry ayaa qalinka ku dugay heshiis uu 5ta sano ee soo socota kula joogayo kooxda maal qabeenka ah Manchester City sida lagu qoray bogga nett-ka ee kooxda.

Manchester City wuxuu ugu kacay Barry qiime dhan 12 milyan oo pound, Barry wuxuu ka mid ahaa ragii ugu hadal heynta badnaa suuqa kala gadashada cayaartooyda sanadkii hore markaasoo Liverppol waqti badan ku dhumisay lasoo wareegida xidigan isagoo hore dhowr jeer muujiyey sida uu diyaar ugu yahay inuu ka hawo gadisto kooxdiisa kuna doodayey in riyadiisu tahay ka qeyb galka Champions League inkastoo kooxda uu hada usoo wareegay aysan ka qeyb galeyn kulamada Yurub.

Gareth Barry heshiiska uu kula jiray kooxdiisa wuxuu ku ekaa dhamaadka xili cayaareedka soo socda, wuxuu kusoo biiray kooxda hada laga gatay ee Aston Villa 1997kii xiligaasoo laga soo gatay kooxda Brighton.

Naadiga Chelsea oo dhowaan Milan kala soo wareegay tababare Ancelotti ayaan weli ka dhamaanin waxeyna damacsan yihiin in Kaka iyo Pato ama midkood kasoo gataan Milan.

Chelsea waxey diyaar u tahay iney jeebka furto oo ay ku qarash gareyso Kaka qiime dhan 60 ilaa 70 milyan oo pound isla markaana mushahar ahaan u siiso 150 kun oo pound todobaadkii sida ay qortay The Independent.

Laakiin Kaka ayaa iska diiday inuu aadayo Chelsea isla markaana ku adkeystay inuu Milan sii joogayo sida ay warisay Gazetta Dello Sport inkastoo laga yaabo inuu doorbidayo dalka Spain iyo kooxda Real Madrid oo hore gudoomiyaha cusub ee kooxda Perez balan qaaday inuu Kaka keeni doono kooxda waxaana jira warar ay qoreen saxaafada Spain oo sheegayey in maareeyaha Milan Adriano Galliani iyo wakiilka Kaka maanta lagu arkay caasimada Spain ee Madrid.

Sida ay qortey The Sun gooldhaliyaha 19 jirka ah ee Milan Pato waxaa isna lagu doonayaa qiime dhan 30 milyan oo pound oo ay Chelsea diyaar la tahay iyadoo Milan ay sii diyaarsatey raga ay ku bedeli doonto labadan cayaaryahan hadii ay kooxda ka tagaan waxaana u calaamadeysan derbiga Chelsea Essien iyo gooldhaliyaha Arsenal Adabayor.

Xigasho::DEEYOO.COM

Advertisements
 
Comments Off on Captankii Hore AstonVila OO u weregay Man City

Posted by on June 5, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: