RSS

KaKa OO ay ku Baratamayaan Chelsea Iyo Real Madrid

05 Jun

Kaka_celeb_AC_Milan_v_Inter_Milan_review_844849 Milano: Maamulka sare ee kooxda AC Milan ayaa iska fogeeysay inaaysan waxba ka jirin Ciyaaryahankeeda kubad qaabeeyaha ah ee Kaka ay heshiis ku gaareen inuu ku wareego Kooxda Real Madrid.

Warbixinta lagu shaaciyey warbaahinta Spain in Kaka heshiis lagalay Madrid ayay maamulka Milano ku sheegeen inaaysan waxba ka jirin, soo bandhigida £65million inaay Milan aqbashay ayna harsan tahay heshiiska gaarka ah ee Kaka lagalayo kooxda Madrid ayaaysan ahayn wax rasmi ah ayuu yiri Adriano Galliano oo ah gudoomiyaha Milan.

Adriano Gailliani wuxuu ku nuuxnuuxsaday in joogitaankiisa magaalada Madrid ay tahay mid uu casuumaad ka helay gudoomiyaha cusub Florentino Perez oo ku guuleystay gudoomiyaha Maamulka Real Madrid, iyadoo ay casho kuwada qaateen xarunta kooxda taasoo uu ku micneeyey inaay tahay mid uu kaga qeyb galay xaflada caleemo saarkiisa, aysan jirin wax heshiis ah oo ku gaareen ciyaaryahan Kaka.

Shir jaraa’id oo uu qabtay gudoomiyaha kooxda Milan Adriano Galliani safarkiisa ka dib ayuu ku sheegay in wada cashaynta Florentino Perez magaalada Madird aanan looga hadlin wax quseeya Kaka ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Dhanka kale kooxda Kubada cagta Chelsea ayaa soo bandhigtay qiimaha ay ku doonayso Superstar Kaka taasoo lagu sheegay inaay gaarayso £73.5million iyadoo sannadkii mushaar ahaan ku qarash gareeyn doonta £10million.

Sidoo kale lacag £100 ka badan ayay Manchester City soo bandhigtay Janaayadii lasoo dhaafay taasoo lagu gacan seyray, iyadoo lala xiriirinayo Tababaraha cusub ee Chelsea Carlo Ancelottii oo tababare u ahaa Kaka inuu doonayo inuu aad u danaynayo inuu keeno Stamford Bridge.

Lacagta ay Chelsea ku doonayso oo ah £73.5million, ayaa ka badan tan kooxda Real Madrid oo lagu qiimeyey £56million uu kugu biirayo Santiago Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee ma cadda Kaka halka uu u baqooli doono iyadoo AC Milan ay hore u cadeeysay inaay iibin doonto Kaka, hase yeeshee ay ku doonayso lacag aad u tiro badan oo ka badan tii lagu iibiyey Zidane.

MOHAMED ABDIRASHIID

XAFIISKA BOSASO

Advertisements
 
Comments Off on KaKa OO ay ku Baratamayaan Chelsea Iyo Real Madrid

Posted by on June 5, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: