RSS

Is Reeb Reebka Koobka Aduunka Iyo Halka uu Marayo

10 Jun

Kampala:: Is reereebka koobka aduunka ee lagu qaban doono wadanka koonfurta Afrika 2010
ayaan jecleysanay inaan halkani idinku soo gudibno kooxaha qaarada Europe sida ay u
kala socdaan. Qaar hee haabaya iyo qaar kale oo aad moodid iney u soo baxeen is reereebkaasi.
Aan u horeysiino Xulka Ingriiska waxaad moodaa in si kalsooni leh u hogaaminaayo
taratanka “Group” kiisa ilaa iyo haatan wuxuu ciyaaray 5 ciyaar intuba wuu ku badiyay
wuxuuna sita 15 dhibcood. Berrito oo sabti ah 06-Jun-2009 waxey la ciyaari doona
Kazakhstan. Xulka Ingriiska ayaa ku talo jiraa inuu kala soo noqdo 3 dhicood ee
cayaarta ee lagu qaban doono magaalada Dhashqand oo ah magaalo
madaxda Kazakhstan. Haddii ay taasi dhacdo wuxuu u baahnaan doona 3 dhibcood oo
keliya 3da ciyaar kale ee e u harsan.
Xulka Ingriisaka berrito waxaa ka maqnaan doonaa goolhaayha xulka
David James iyo Rio Ferdinad dhaawac dartiis waxaana la filayaa inuu bedeli doono
James goolhaayaha West Ham United Robert Green sidoo kale Ferdinand
waxaa bedeli doonaa Mathew Ebson oo isagana u ciyaara West Ham United.
Aanu ku xijino Xulka Holland oo ku jira “Group”ka 9aad iayguna
waxaad moodaa iney soo baxeen isagana wuxuu ku hogaaminayaa
“Group” kiisa 15 dhibcood. Waxey la ciyaari doonaan Iceland oo
sidata 4 dhibcood. Waxaa lyaab leh in Holland iyo Scotland oo ku jirta kaalinta 2aad ee “Group”
kani u kala dhaxeeyo 8 dhibcood.
Kooxda Portugal ayaa iyagu laga yaabaa ineysan u soo bixin kooba
aduunka waayo wuxuu sitaa 6 dhibcood oo keliya halka ay “Group” kiisu ku hogaamineyso
Denmark ay sidato 13 dhibcood iyo Hungary ay sidato 13 dhibcood. Berrito oo sabtida ah
waxey la ciyaari doonaan Malta in kastoo uu tabaraha kooxda uu
sheegay inuusan ballan qaadi Karin iney ku guuleysan doonaan cayaarta. Isla berrito ayaa
waxaa wada ciyaari doonaa Denmark iyo Sweden oo iyagun sita 6 dhibcood sida Portugal

FARXAAN JAAMAC CISE
XAFIISKA KAMPALA

Advertisements
 
Comments Off on Is Reeb Reebka Koobka Aduunka Iyo Halka uu Marayo

Posted by on June 10, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: