RSS

Michael Owen IYO Van Perise Kuma Qanacsana Horyaalka Ingeriska oo waxa ay xiiseynayaan Talyaniga

12 Jun

michaelowen Kampala:: Kooxda Roma ee ka dhisan caasimadda Talyaaniga ayaa waxay doonaysaa in ay la
wareegto xiddiga weerarka uga ciyaara xulka qaranka Ingiriiska iyo naadiga Newcastle utd, Michael Owen.
Sida ay qortay jariiradda Sunday Mirror kooxda Roma waxa ay indha ku haysaa
weeraryahanka Michael Owen isla markaana ay soo bandhigtay in ay siin doonto
mushaharo lacageed oo shan kun oo giniga Istarliiniga ah si ay u hesho xiddigan.
Roma ayaa waxay doonaysaa in ay ka lacag badiso naadiyo fara badan oo doonaya
Michael Owen, sida Aston Villa,Everton iyo kooxda lacagaha badan ku haysata baanka carabta ee Manchester City.
Dhanka kale Kooxda Aston villa ee dalka ingiriiska ayaa waxay doonaysaa
Weeraryahanka kooxda Newcastle Michael Owen kaas oo kooxdiisu ay ku dhaadhacday derejada labaad.
Xidigan oo mushahar ka badan 70 kun oo gini todobaadkii ka qaata kooxda Newcastle ayaa ay ku
adag tahay inay bixiso lacagta intaa le’eg maadaama kooxdani ay ka cayaari doonto heerka labaad xili ciyaareedka soo socda.
Hadaba kooxaha danaynaya xiddigan waxa ugu horeysa kooxda Aston villa ee dalka ingiriiska
waxayna sheegtay in ay diyaar la tahay qiime kasta oo lagu doono xiddigaasi.
Sida ay qortay jariiradda news Of the World xidigan oo 29 jir ah ayaa waxa doonaya sidoo kale kooxo
waaweyn oo ka tirsan naadiyada ugu caansan qaaradda yurub.
article-0-02F05226000005DC-848_306x423 Dalka talyaaniga,Kooxda haysata horyaalka talyaaniga ee Inter Milan ayaa waxay
diyaarinaysaa lacag dhan 25 milyan oo gini si ay ula soo wareegto xiddiga kooxda Arsenal ee Robin Van Persie.
Naadiga Inter waxay doonayaam inay sanadkan xoojiyaan dhanka weerarka isla markaana
waxay u aragtaa Van Persie in uu yahay weeraryahan cajiib ah oo ay qabteen indhaha tababare Jose Morrinho.
Kooxda Inter oo afar xili ciyaareed oo isku xiga ku guulaysatay horyaalka Talyaaniga ayaa waxay
diyaargarow adag ugu jiraan in ay lasoo wareegaan xiddigo badan kuwaasi oo macalin Morrinho uu
sheegay in ay yihiin kuwo kooxda gaadhsiin kara ciyaaraha kama dambaysta ah ee koobka horyaalada Yurub.
Van Persie oo 25 jir ah ayaa muddo ku sugnaa kooxda Arsenal waana ciyaaryahan ku wanaagsan dhalinta laadadka xorta ah (free kicks).

FARXAAN JAMAC CIISE
XAFIISKA KAMPALA

Advertisements
 
Comments Off on Michael Owen IYO Van Perise Kuma Qanacsana Horyaalka Ingeriska oo waxa ay xiiseynayaan Talyaniga

Posted by on June 12, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: