RSS

Ronaldo Oo si Cad ugu wareegay Real Madrid

12 Jun

CRISTIANO Nairobi:: Xidiigii hore ee kooxda Man utd Ronaldo si cad loo shaaciyay
in uu u wareeagay kooxa Real madrid waxaase la yaab noqotay
Lacagta lagula wareegay Ronaldo oo ah midi ugu badneyn

Ee waayadan waxa lagu iibsado ciyaartooy laacib ah
24sano jirkani waxaa markiisii hore laga soo iibayay kooxda
Lisbon ee dalka portugal waxaana uu mudo Xidiga sanadka dalka Ingiriiska, qaarada Yurub iyo
weliba aduunka Cristiano Ronaldo dos Santos Aveiro ayaa noqday cayaaryahanka ugu qaalisan aduunka isagoo ka tagay Man.United una wareegay kooxda weyn ee Real Madird oo soo bandhigta lacag dhan 94 milyan oo euro.
Qoraal lagu faafiyey boga nett-ka kooxda Manchester Uniteds ayaa lagu sheegay in Cristiano Ronaldo
muujiyey inuu jecelyahay inuu ka tago kooxda,wadahadal dhex maray kooxda iyo raga wakiilka u ah cayaaryahanka ka dib waxaa lagu heshiiyey in Real Madrid loo fasoxo iney wada hadal la gasho Ronaldo.
– Manchester United waxey aqbashay qiime aan hore cayaaryahan loogu gadan oo gaaraya 80 milyan oo pound si Cristiano Ronaldo ugu wareego Real Madrid ayaa lagu yiri warkaas lagu qoray boga kooxda

PFA_Player_of_the_Y_822844a Ronaldo ayaa kusoo biiray Man.United 2003 oo ay qiime dhan 12 milyan oo pound ka siisteen
kooxda reer Bortoqiis ee Sporting, tan iyo markii uu kusoo biiray Man.United wuxuu kula guuleystay 1 koobka kooxaha aduunka,1 Champions League, 3 horyaalka Ingiriiska, 1 koobka FA-ga iyo 2 koobka loo yaqaan league Cup.
C.Ronaldo wuxuu noqday xidigii ugu horeeyey ee Ingiriiska ka dheela oo
hela abaalmarinta cayaaryahanka sanadka aduunka markii uu sanadkii hore kooxdiisa kula guulesytay Champions League iyo horyaalka Ingiriiska isagoo labada tartanba ku guuleystay gooldhalinta.
Gudoomiyaha cusub ee Real Madrid Florentino Perez ayaa todobaad gudihiis
laba jeer ka yaabiyey bahda isboortiga markii uu lasoo wareegay cayaaryahanka sanadka 2007 Kaka iyo
kan 2008 Ronaldo oo isku darka labada cayaaryahan ugu kacaya qiime dhan 161.5 milyan oo euro (boqol lixdan iyo kow milyan iyo
shan boqol oo kun) warar ku dhow dhow gudoomiye Perz ayaa sheegaya in
weli xidigo waa weyn uu ugaarsi ugu jiro waxaana miiska u saaran Franck Ribery oo
Bayern Munich u dheela, xidiga qadka dhexe ee Liverpool Xabi Alonso iyo
cayaaryahanada Valencia David Villa, David Silva iyo Raul Albiol.isagoo sidoo kalena sheegay inuu jeclaan lahaa inuu
kooxda ku arko Zlatan Ibrahimovic oo kooxda Inter ah.

Xigasho DEEYOO.COM

Sawirada:: TheSun.Co.Uk

Advertisements
 
Comments Off on Ronaldo Oo si Cad ugu wareegay Real Madrid

Posted by on June 12, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: