RSS

Punt land Oo si Adag Uga soo Hor jeesatay Muqadaradka la soo Galiyo Punt land

27 Jul

puntland%20Map2 Bosaso:Wasiirka amniga ee dowladda Puntland Jen. C/laahi Siciid Samatar oo
ka hadlayay magaalada Garowe, ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan talaabo kasta oo lugu waxyeelaynayo amaanka iyo Diinta Islaamka.

Wasiirka ayaa warkan wuxuu ka sheegay goob maanta lugu gubay
Khamri dhan 170 Dhalo, sida ay xaqiijiyeen laamaha Booliska ee soo qabtay Khamriga maalmo ka hor.

Jeneraalka ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba udulqaadan
doonin talaabooyin looga soo horjeeda arimaha Amniga iyo diinta
Islaamka ee suuban, isagoo ugu baaqay shacabka Puntland in ay ka qeybqaataan dadaal kasta oo sare loo qaadayo amaanka sugitaankiisa.

” Marnaba dowladda Puntland ma taageeri doonto talaabo
looga soo horjeeda Amaanka iyo Diinta Islaamka, maanta
khamridan hadii ay gali lahayd deegaanada waxa ay waxyeelo ugeysa lahayd
amaanka” Ayuu yiri Wasiirka amniga ee dowladda Puntland.

Dowladda Puntland ayaa maanta gubtay khamri dhan 170 Dhalo, oo ay
qabtee ciidamada amaanka ee
magaalada Garowe ee dowladda Puntland,
waxaana ay talaabadan noqotey mid ay soo
dhaweeyaan dad badan oo ku dhaqan deegaanada Puntland.

W/Q Mohamed Aqiyaar

Advertisements
 
Comments Off on Punt land Oo si Adag Uga soo Hor jeesatay Muqadaradka la soo Galiyo Punt land

Posted by on July 27, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: