RSS

Ibrahimovich oo U waregay Barcelona

30 Jul

Nairobi: Weerar yahanka qaranka Sweden Zalatan Ibrahimovich ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Barcelona oo uu joogo doono muddo shan sano ah .

Laacibkaasi 27-sano jirka ah ayay Barka fileysa in wax weyn uu ku soo kordhiyo kooxda dhanka weerarka , iyadoo taageerayaasha Barka la dhacsan yihiin laacibkaani.

Lambarka sagaalaad ayaa loo xereay waana mas`uliyad dusha loo suray laacibkani oo dad badan aamin san yihiin in koxda Barka oo halgan ku jirta wax weyn ku soo kordhiyo.

Qaliin yar oo gacanta ayuu marayaa taasi ah oo looga daweynayo dhaawac fudud oo ka soo gaaray cayaartii saaxibtinimo ee dhex martya Inter Milan iyo Chelsea .

“Aniga halkaani badalka Eto ah uma imaan , waxan u imid in aan soo kordhiyo wax weyn”, ayuu yiri kubad sameeyahaani 27-sano jirka ah .

Cayaar yahano kale oo ay dooneyso Barka ayaa jira inakstoo si rasmi ah u soo shaac bixin, waxana si weyn loo hadal hayaa sanadkaani iy Real Madrid waxa kala qabsan doono .

Aniso Maclin Ali

Xafiiska Nairobi

Advertisements
 
Comments Off on Ibrahimovich oo U waregay Barcelona

Posted by on July 30, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: