RSS

Aaska 6-Caruur ah Iyo Hooyadood oo Kadhacay Sweden Stockholm

31 Jul

Aaskani oo kadhacay magalada Stockhlom ee Casimada wadanka Sweden ayaan waxaa saakay lagu aasay 6-Caruur iyo Hoyadood oo 27-bishaan ku geeriyooday Gurigooda oo dab-qabsaday .. Geerida naxdinta leh ee ku timid Qoyskaan kunolaa magalada Stockhlom ee Caasimada Wadanka Sweden ayaa waxaa saakay ka soqeyb galay asitaankooda Kumanaan Muslimiinta degan wadankani kadib markii meydka laga qaaday Xafada Rinkeby ee masiibadani ku haleeshay waxaa la arkayaay jidadka waa weyn ee sogala Xaafada ayaa waxaa isxiray Baabuur aaay wateen dadkii aaska ka soqeyb galay iyo basaas waa weyn oo aay wateen Dad Soomaali ah
Sidoo kale waxaa Aaskani ka soo Qeyb galay Wasiirka gashaandhiga ee Wadanka Sweden oo amaankiisa aay sugayeen Sakuurad aad u fara badan iyo Police waxaane aay policeka isku gadameen dhamaan wadooyinka sogalo Goobta aaska kadhacay ayadoo Wasiirka oow gacan qaaday Qaar kamid ah ehelidii oow ka baxay Qoyska Masiibadu ku habsatay iyo Aaabahii dhalay Caruurta ..

Intaasi kadib waxaa bilowday Saladii Janaasada oo lagu dugtay 6-Caruur ah iyo Hooyadood kadib saladii waxaa Microfoonka Qabsaday Culama,udiin maamulka hayaay Goobta oo wacyigalinayaay Muslamiinta kasoo Qeyb gashay Aaka kadibne waxaa Meydka loo soqaday Qabriyadii lagu aasi lahaa oo wax yar un kafogaa Goobta lagula dukanayaay Jenaasada ayadoo Halkaasi lagu Aasay 6-Caruur ah iyo Hooyadood ,
Ogu dambeyntiine waxaa Aaska kadib ka hadlay goobta Aaabe Yuusuf oo ah Aabahii dhalay Caruurtani iyo Hooyadood waxuuna u mahad celiyaay dhamaan Muaslamiinta sharafta badan ee lashaqeynayaay ilaa malintii caruurtiisa iyo hooyadood aay ku habsatay masiibadani Hadane kasoqeyb galay Aaska weyn ee losameyaay Xaaskiisa iyo Caruurtiis Aabe Yuusuf ayaa sidoo kale Umahad Celieyaay Wasiirka Gashaandhiga Wadanka Swdeden oo kala so Qeyb galay Aaska weyn ee loo sameyaay Caruurtiisa iyo Hoyadood ,

Mohamed Ahmed Guled
Sweden Stockhlom

Advertisements
 
Comments Off on Aaska 6-Caruur ah Iyo Hooyadood oo Kadhacay Sweden Stockholm

Posted by on July 31, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: