RSS

Dabal daga Kowda ogos oo si weyn looga qaban qaabinayo Gobolda Punt land

31 Jul

puntland Bosaso: Dowladda Puntland ayaa maanta soo bandhigtay tijaabadii ugu dambeysay ee xaflada loo samaynayo dabaal-daga Xuska sannad guuradii 11 aad ka soo wareegtay Markii la dhisay dowladda Puntland.

Garoonka Ciyaaraha ee Mira Awaare ee magaalada Garowe ee caasumada Puntland ayaa maanta lugu soo bandhigay Dhoolatus weyn.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Ahna K/simaha Madaxweynaha Puntland Jen. C/samad Cali Shire iyo Wasiirada dowladda Puntland ayaa maanta ka qeybgalay.

Cutubyo ka mid ah ciidamada dowladda Puntland oo iskugu jira Boolis, Asluub, Daraawiish iyo Kuwa sida gaarka ah u tababaran
ayaa maanta gaado ka ciyaar qurux badan ku soo bandhigay
garoonkaasi, waxaana Salaan Sharaf ka qaatay
Madaxweyne kuxigeenka Ahna K/Simaha Madaxweynaha Puntland Jen. Cabdi-samad Cali Shire.

Sidoo kale qeybaha Bulshada oo iskugu jira dhinacyo badan ayaa ayana soo bandhigay barnaamijyo ay ugu talagaleen Xuskan 11-sannad guuradan, waxaana Madaxda dowladda Puntland ay aad ula dhaceen sida loogu soo baxay diyaar-garoowgan.

Jeneraal. C/samad Cali Shire oo ka hadlayay garoonka ayaa sheegay in ay dowladda Puntland xuskan usoo baxday, wuxuuna sheegay in ay mari doonaan 1- Ogoosto oo ah maalin ay aad ugu diyaar-garoobeen shacabka deegaanada Puntland, wuxuuna ugu baaqay in aysan jirin cid ku harta magaalada maalinta xuska.

K/simaha Madaxweynuhu wuxuu umahad-celiyey Ciidamada kala duwan iyo qeybaha dadweynaha oo ugu hambalyeey sida ay ugu soo baxeen maalinta, wuxuuna sheegay in ay maanta utahay maalin farxadeed.

Gudoomiyaha gudiga Abaabulka maalintan ahna Wasiiru
dowladdaha Maamul-Wanaaga Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa shaaca ka qaaday in guul gaareen oo dhamaanba howlahoodii sidii loo baahnaa ay ugu socdaan.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana
ciidamada amaanka la dhigay Controlada magaalada iyo Faras-magaalaha ayagoo
doonaya in ay xoojiyaan amaanka caasumada oo ah halka ay kadhaceyso dabaal-degyada ugu weyni

On The Desk
Superz09

Advertisements
 
Comments Off on Dabal daga Kowda ogos oo si weyn looga qaban qaabinayo Gobolda Punt land

Posted by on July 31, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: