RSS

Dowladda Vietnam oo ku baaqaday in dowladda Soomaaliya la taageero

31 Jul

Bosaso: Dowlada dalka Vietnam ayaa waxa ay caalamka ugu baaqaysaa in taageero buuxda la siiyo maamulka Sheikh Shariif, hadii ay taasi timaadana waxa ay meesha ka saaraysaa isku dayga lagu damacsan yahay in lagu wiiqo nabadii lagu soo dhisay Dalka Jabuuti iyo sidii loo beerdarayn lahaa dadaaladii wakhigu ku baxay ee nabada soo celinta dalka dagaalada wehelka u noqday ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa ka jeediyay kulankii golaha amaanka magaalada xarunta u ah ee New York 29 july Mr.Le Luong Minh oo ah ninka u matala dalkiisa Vietnam Qaramada midoobay waxa uuna si xoog leh u dalbay in ay tahay markan xiligii Soomaaliya wax loo qaban lahaa oo nabad lagu soo dabaali lahaa.

Safiirku waxa uu si xoogan u cambaareeyay weeraradda lala beegsanayo xarumaha iyo masuuliyiinta DKM ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa uu wax aan la qaadan karin ku tilmaamay weerarada ka dhanka ah ciidmada
Midowga Afrika ee (AMISOM), Shaqaalaha gargaarka halkaasi u jooga iyo dadka raiydka ee lagu dul dagaalamo.
”Waa mid aan noo danqaysa xaalada ka soo yeerayso qeylo dhaanta bani’aadanimo ee dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay ku barakaceen ilaa hal milyan oo qof.” sidaas waxaa yiri Safiirka.

Sikastaba ha ahaate, Safiirku waxa uu ku baaqay in dib loo cusboonaysiiyo dariiqadii wada hadalada ee mucardka iyo dowlada loogu kala dabqaadayay , waxaa uuna taageeray wada hadalada uu ku doonayo
Sheikh Sharif Ahmed in uu kula yeesho mucaaradka ka soo horjeeda si markaasi ay dhiiira galin ugu noqoto kuwa siyaasad ahaanta ayisku hayaan.

Hadalkan ka soo yeeray xukumada Vietnam imanaya xili beesha caalamka qaar ka mid ah ay bilaabeen in ay taageero u fidiyaan DKM ee Soomaaliya, xili uu xaalku marayo meel xaasaasi ah oo kooxaha
mucaardkana laga la’yahay iney imaadaan goobaha wadahadalka la idiin ka furo idinka iyo dowlada

Nuuradiin Xareed Cisman

Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Dowladda Vietnam oo ku baaqaday in dowladda Soomaaliya la taageero

Posted by on July 31, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: