RSS

Grece oo dad somalia ah Tacdi lagula kacay

31 Jul

Greeca3 Boliiska Dalka Greeca ayaa tacadiyo isugu jira jirdil,xirxirid kula kacay in ka badan shan boqol oo qaxooti Somalia ka gadaal markii ay guryahooda ugu dhaceen.
“Boliiska oo watay budad ayaa nagu soo jibiyay guryahaan kadibna garaacis iyo jirdil ayey nagu bilaabeen,waxaan u wada yaacnay dibadda,indhaheeygu waxay arkayeen guriga oo burbur xoogan ka muuqdo,konton qof oo naga mida waa la xiray,waxaana sidoo kale dhamaan ay boliiska burburiyeen alaabahii guryaha noo tiil,lacagahiina waa la bililiqeystay”ayuu yiri Mohamed Ali oo ka mida dhalinyaradii guryahooda loogu dhacay.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida ee dalka Greeca Mr Ilyaas ayaa Waagacusub u sheegay in toban ka mida dadkii la xirxiray laga sii daayay xabsiga,tirada kalena berri la sii deeyn doono.

“Boliiska Greeca waxay Qaxootiga Somalida kula kaceen tacadiyo baahsan,waxaana ugu baaqeeynaa Hay’adaha xaquuqul insaanka inay baaris ku sameeyaan dhacdada foosha xun ee lagu burburiyay guriga weyn ee qaxootiga deganaayeen”ayuu yiri Gudoomiye Ilyaas.

Tilaabadda ay ku kaceen boliiska Greeca ayaa ku beegan xilli ay dowladaas joojisay inay qaabisho qaxootiga Soomaaliyeed,waxayna sidoo kale diiday bixinta sharciyadda.

Qaaradda Europe waxaa jooga tiro lagu qiyaasay sodon kun oo qaxooti Somalia kuwaas oo markii ay u adkeeysan waayeen nolol xumida Greeca iska dhiibay dalalka Europe sida Ingiriiska,Sweden,Holland,France,Italy,Finland,Germany,

Bilguim hasse yeeshee ma heeystaan wax sharciya oo waxay u badan yihiin kuwa sugayo in dib looga celsho Greeca maadama sharciga Dublin dhigayo in dal walba xaq u leeyahay magangelinta dadka ay faraha ka qaadaan.

Sodonka Kun ee qaxootiga Somalida kuna dhibaateeysan xerooyin ku yaal Europe waxaa muuqato in noloshoodu walaac wajahay maadama dalkii faraha ka qaaday ee Greeca uu hada bilaabay tacadiyo ka dhana Xaquuqul insaanka,ayna ku waxyeeleeyeen boqolaal Somalia.

Somalida Greeca ku nool,waxay intooda badan degaan guryo waaweyn oo qadiimiya ,waxaana la sheegaa in Greeca tahay dalka ugu nolosha xun Europe.

Si kastaba ha ahaatee,waxaan idiin soo gudbin doonaa sawiro ka turjumayo banaanbaxyo ay dhigeen iyo sida boliiska u jirdilay qaxootiga Soomaaliyeed.

Xigasho Waaga cusub

Advertisements
 
Comments Off on Grece oo dad somalia ah Tacdi lagula kacay

Posted by on July 31, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: