RSS

Bossaso: HamBalYo HamBalyo 1 Ogos!!!

01 Aug

pl_logo Bosaso: W/ Q Mohamed AQiyaar:: Iyado ay la xiriirto Dabaal daga maalinta aas aaska Punt land
oo ku beegan maanta oo ah 1 Ogos waxaa magaaloyinka D.G. Punt land
ka dhacaya banaan baxyo kala duwan oo lagu tala galay xuska maalintas

waxaa magalada boosaso oo Haatan aan ku suganahay ka socda
isku soo bax aad u balaran oo ay sameynayaa dadka Reer Bosaso
kaasi oo loogu dabaal dagayo laguna muujinayo Xuska 1 Ogos

Ciidamada Darawishta PuntLand ayaa waxa ay Qob ka Ciyaar
ama gaardis ku sameeyen Inta U dhaxeysa Garoonka Kubada
Cagta ee Bosaso iyo xarunta Dowlada Hose ee Bosaso

Qobka Cayaarkani oo ahaa mid aad u soo Jiitay dadkii Dawnaayay
ayeey Cidanka Darawishtu waxa ay ku muujiyeen Hab aad loola Dhacay

waxaana Gabagabadii la iskugu tagay xarunta Dowlada Hose ee Bosaso
Halkaasi oo ay qudbado ka soo jedeyeen masuliyin ka kala socday mamulka
Gobolka iyo Kan Dowlada Punt land Sidaa oo kale waxaa Howlka Dowlada hose

Heeso ku soo ban dhigay fanaaninta walalaha Gobolka bari
ayagoona ku muujinyay Muhiimada maalintani waxaana dadka
reer Punt land iyo waliba kuwa soo bara kacay ee ku jira Xeryaha

Qaxootiga aaanay u kala harin saaka munaasabadani
waxana dadka oo dhan laga daremayaa Jawi faraxsanan ah
ayagoona ku faraxsan dabaal dagani iyo sida uu ku socda

maaha magalda bosaso oo kaliya waxaa sidan oo kale looga
xusay magaaloyinka kale ee Punt land sida Garowe Iyo Galkacyo

Mohamed Abdirashiid Mohmud

Xafiifka Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Bossaso: HamBalYo HamBalyo 1 Ogos!!!

Posted by on August 1, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: