RSS

XOghayaha Arimaha Dibada Mareykanka oo boqan donta manta Africa

03 Aug

GLKYO> Xoghayaha Arimaha Dibadda Maraykanka Hillary Clinton ayaa Isniinta maanta ah waxa u bilaabanaya socdaal ay ku marayso todoba dal oo Afrika ku yaal, iyada oo lafilayo in ay Nairobi kula kulanto madaxwayne Shariif Sheekh Axmed.
Xoghaye Clinton ayaa lagu wadaa in ay dawladda itaalka daran ee Sheekh Shariif Sh. Axmed ugu yabaahdo kaalmo dheeraad ah oo ay ku jirto mid millatari. Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan maamulka madaxwayne Obama ayaa warbaahinta u sheegay in Washington ay damacsan tahay inay laba jibaarto sahay hub ah oo gaaraysa 40-tan, taasoo ay Muqdisho gaarsiisay bishii June ee la soo dhaafay.
Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in Maryakanku tababar aan la shaacin u fidiyo ciidamada ammaanka ee Dawaladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Maraykanku uunana si toos ah u tababari doonin ciidankas, balse uu bixin doono kharashka iyo tas-hiilaadka kale ee aan looga maarmi karin tababarka. Maraykanka ayaa iska ilaalinaya in humaagiisa laga dhex arko Soomaaliya, taas oo uga sii dari karta xasaradda taagan.
Xoghaye Clinton ayaa marka ay maalinta Khamiista ah la kulanto madaxwayne Shariif, in ay markale u xaqiijiso taageerada Maraykanku u hao dowladda Soomaaliya. Sidoo kalena waxa la filayaa in ay soo cusboonaysiiso cambaaraynta ka dhanka ah dalka Eritrea oo la rumaysan yahay inuu hubeeyo kooxaha ka soo horjeeda Dawladda Federaalka Ku-meel-gaark ah ee Soomaaliya
Waxaana sido kale ay dalalka ay Boqato kala hadi donta
Xal u helida dalalkaasi

Mohamed A Rashiid

GLKYO

Advertisements
 
Comments Off on XOghayaha Arimaha Dibada Mareykanka oo boqan donta manta Africa

Posted by on August 3, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: