RSS

W. War fafinta Punt-Land Oo lagu dilay manta Glkacyo Iyo Taliyihii Cidamada Punt Land OO Garowe KU geriyoda !!!

06 Aug

mrxum GLKYO:Eebe Naxariistii Janno ha siiyee Warsame Cabdi Shirwac wasiirkii Warfaafinta ee
dowlada Puntland ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn uga dhexmuuqday siyaasada Puntland ee sida weyna loo yaqaanay
Warsame Cabdi shirwac waxaa uu ka mid ahaa dadka Siyasada Puntland Mgaca ku lahaa ee isku soo taagay u tartanka
madaxtinimada Puntland xilligii ugu horeysay,Warsame oo maanta gaalkacyo lagu toogtay waxaa uu isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya sannadkii 2000 ee ka dhacday wadanka Jabuuti
Warsame Waxaa uu xilligani ku suganaa magaalada Gaalkacyo oo
uu u joogay howlo la xiriira Amaanka Gobolkaas iyo xalinta

xaalado ka taagnaa Deegaankaas gaar ahaan halka loo yaqaano Cagaaran
Wararka xilligani laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee
wasiirka Warfaafinta lagu dilay ayaa ah kuwo
shacabka halkaasi ku dhaqan aad uga walaacsan yihiin xilligii ugu horeysay ee Puntland wasiir ka tirsan la dilo.

Taariikhada Marxuum Warsame Cabdi Shirwac oo dhameystiran dib ayaan idinkugu soo gudbin doonaa

DhinaCa Kale Waxaa Caawa KU geeriyoday magalda Garowe Talihii ciidamafa Punt-land
Taliyihii ciidamada Booliska Puntland G/sare Muuse Axmed Saalax oo 26-kii April loo magacaabay Xilkan ayaa dhintay caawa sida ay sheegayaan Warar ka soo baxaya Aqalka Madaxtooyada ee dowladda ee dalka Soomaaliya.

Sababaha rasmiga ah ee sababtay dhimashadan ayaan lagaran karin,
waxaana Warar Madax banaan ka soo baxayaan sida udhintay taliyahan.

War ka soo baxay Laamaha caafimaadka ayaa sheegay in uu dhintay Taliyihii ciidamada Booliska Puntland G/sare Muuse Axmed Saalax.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa usheegay AllPuntland in uu dhintay taliyihii ciidamada Booliska Puntland, isla markaasna uu ku geeriyooday Cusbitaalka Magaalada Garowe.

Mohamed A Rashiid
Xafiska GLKYO

Advertisements
 
Comments Off on W. War fafinta Punt-Land Oo lagu dilay manta Glkacyo Iyo Taliyihii Cidamada Punt Land OO Garowe KU geriyoda !!!

Posted by on August 6, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: