RSS

Galkacyo: Madaxweynaha Punt land oo manta La kulmay Bulshada Reer Galkacyo

13 Aug

Galkacyo1 Galkacyo: Sadexda Masuul ee ugu sareysa dowladda Puntland oo booqanaya magaalada Gaalkacyo ayaa maanta wada hadalo la qaatay dhinacyada Bulshada ee magaalada Gaalkacyo, isla markaasna waxa ay la hadlen dad badan oo ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

Sadexdan Masuul iyo inta badan Golayaasha Wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa dadweynaha tafaasiilaad dheeri ah ka siiyey xaaladaha ay kala kulmeen magaalada Gaalkacyo.

Qodobada ay soo qaadeen Madaxda dowladda Puntland ayaa kala ahaa, Amaanka, Siyaasada, dagaalada ka socda Puntland meelo ka mid ah iyo qodobada kale oo khuseeya xaaladaha gaarka ah ee magaalada Gaalkacyo.

Jeneraal C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo ah wasiirka Arimaha Gudaha iyo dawladaha hoose ayaa ku dhawaaqay maanta in deg deg loo soo dhiso xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay Beelaha oo dhan in ay 7 maalmood ku soo dhisaan xubnahaasi, oo uu sheegay in ay wax ka qaban karaan xaalada magaalada Gaalkacyo.

Jeneraalka ayaa ku adkeeyey Isimada dhaqanka in ay dadka ay soo xulayaan aysan noqon kuwa aan laheyn Aqoon, isagoo tilmaamay in ay dadkaasi noqdaan kuwa buuxiya Sharuudo Adag oo horyaala ayna ka mid yihiin ugu yaraan in ay ka baxeen Jaamacaddo.

Sharuudo badan ayuu soo bandhigay Wasiirka Arrimaha gudaha oo dhamaantood ah kuwa khuseeya dadka noqonaya Xubnaha golaha deegaanka ee Magaalada Gaalkacyo.

Dhismaha golahan ka dib waxaa la diyaarin doonaa doorashada Duqa Magaalada Gaalkacyo, oo uu hada hayo Col. Axmed Cali Salaad, waxaana ay dad badan horumar wanaagsan uarkayaan in wax laga qabto xaaladaha maamul ee magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlay shirkan ayaa ugu baaqay dadka oo dhan in ay adkeeyaan amaanka iyo ilaaliyaana Siyaasada dowladda Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in looga baahan yahay in laga wada shaqeeyo amaanka guud ahaan, isagoo cadeeyey in ay magaalada Gaalkacyo ka dhaceen falal badan oo amaan daro, isla markaasna ay hada dowladda Puntland qaaday talaabooyin wanaagsan oo ku jihaysan amaanka gobalka Mudug.

Madaxweyne Faroole wuxuu sidoo kale Odayaasha Beelaha ugu baaqay in ay 7 maalin gudahood ku soo dhisaan xubnaha golaha deegaanka uga mid noqonaya, isagoo cadeeyey in sharuudo adag oo ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha gudaha, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyigu ay hor yaalaan dadka ka mid noqonaya Golahaasi.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ugu baaqay Beelaha udhashay Puntland ee ku dagaalamaya meelo ka mid ah gobalka Bari in ay dagaalka joojiyaan, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo horumarka iyo adkeynta amaanka, ee aan loo baahneyn in waqtigan dib loogu laabto dagaalo laga soo gudbay.

Odayaal iyo Haween ka hadlay shirkan ayaa maanta Madaxda dowladda Puntland uga tacsiyeeyey dilkii Wasiirkii Warfaafinta Warsame Cabdi Shirwac iyo Geeridii ku dhacday Taliyihii ciidamada Booliska Puntland G/sare Muuse Axmed Saalax.

Dhamaantoodna waxa ay ugu baaqeen Madaxda dowladda Puntland ugu sareysa in ay wadaan geedigooda ku aadan arrimaha Horumarinta iyo ka shaqeynta amaanka gobalada Puntland oo ay sheegeen in ay muhiimad weyn tahay in laga shaqeeyo.

Sidoo kale waxa ay taageereen hadalkii Madaxweynaha dowladda Puntland uu ugu baaqay Beelo walaala ah oo ku dagaalamaya gobalka Bari in ay dagaalka joojiyaan ayna wax walba ku dhameystaan wada hadal, ayagoo sheegay in aysan waqtigan ay tahay waqtigii ay dadka Puntland ukaraar qaadan lahaayeen Horumar iyo Adkeysi amaan lagana baxay Qabaa’il isku dagaalid iyo waxyaabo kale oo ay ku sheegeen kuwa laga gudbay.

Kulankaan ayaa maanta ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo noociisa ah kana dhacay magaalada Gaalkacyo tan iyo markii ay Madaxda dowladda Puntland ugu sareysa ay tageen gobalka Mudug maalinimadii Khamiistii ee todobaadkii hore, halkaasi oo ay ka wadeen shirar kala gedisan oo dhamaantoodba ay guulo ka soo baxeen.

Osman Abdullahi
Xafiiska Galkacyo

Advertisements
 
Comments Off on Galkacyo: Madaxweynaha Punt land oo manta La kulmay Bulshada Reer Galkacyo

Posted by on August 13, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: