RSS

Galkacyo: Punt Land Oo Tacsi U dirtay Tabliiqi Lagu Layay Galkacyo

13 Aug

Punt-Land Madaxweynaha dowlada Puntland C/raxmaan Max’ed Max’ud Faroole ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu tacsi ugu diray ehelada iyo asxabadii ay ka geeriyoodeen Culimadii Tabliiqda aheyd ee saakay hirtii waaberi lagu laayay gudaha Degmada Gaalkacyo.

Madaxweyne Faroole ayaa ku tilmaamay dhac dadaasi mid uu si aad ah uga xunyahay, ka dowlada Puntland ahaana ay u tacsiyeynayaan dhamaan qaraabadii ay ka bexeen mashaaiqdaasi .

Falkan saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee lagu laayay culimaaudiinka Tabliiqa ah oo ku sugnaa masjid ku yaala gudaha Gaalkacyo ayaa waxa siweyn uga xumaaday dhamaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan Culimaaudiinka soomaaliyeed kuwaas oo ku tilmaamay falkan mid xun oo aan bin aadan nimo laheyn.

Sidookale nabadoonada iyo dhamaan aqoon yahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deegaanada Puntand ayaa waxaa ay qoyskii ay ka geeriyoodeen Culimadaasi ka soo jeeday dalka Bakistan Tacsi .
Dhacdadan ayaan Ilaa iyo haatan la aqoon cida ka dambeysay balse waxaa sida muuqata soconaya baariyaano lagu sameynayo kiiskan si gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii ka dambeysay falkan lagula kacay ragan diinta islaamka in ay faafiyaan darteed u yimi gudaha dalkan Somalia.

M.A.Rashiid
Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Galkacyo: Punt Land Oo Tacsi U dirtay Tabliiqi Lagu Layay Galkacyo

Posted by on August 13, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: