RSS

C.Ronaldo Oo Looga Shakiyay In Uu Qabo Durayga Dofaarka

14 Aug

Cristiano-Ronaldo Bosaso: Real Madrid ayaa soo saartay hadal ay ku beenineyso in xidigeeda Cristiano Ronaldo uu qabo cudurka durayga duufaarka (swine flu) isagoo qaday cudurkaasi intii uu kooxda la joogay United States, warar aan la hubin ayaa sheegaya in uu cudurkaasi ku dhacay.

The Portuguese star ayaana laga waayay list xulka qaranka gaar ahaan ciyaarta ay la ciyaari doonaan Liechtenstein markii la sheegay in uu xanuunsan yahay hadalkaasoo ka soo yeeray taliye sare oo kooxda reer Spain ka tirsan.

Sidoo kale wuxuu ciyaaray daqiiqado yar kulanki ay la ciyaareen DC United isagoo tabcaan ah, waxaana laga baqayay in uu cudurkaasi xanuunkiisa ku sii kordho , waxaa sidoo kale la sheegay inuu u soo raacin kooxda dhanka magaalada Madrid.

Los Merengues ayaa soo saaray war cad oo uu ku dafirayo warka laga faafiyay Ronaldo isago sheegay in uusan qabin wax ka badan hargabka caadiga ah isagoo inta aku daray inuu soo bogsoon doono maalmaha soo socda.

Waxaa cinwaan looga dhigay xaaladiisa “ciyaaryahankaasi waxaa laga daaweynayaa hergabka caadiga (common flu)”, Real Madrid ayaa sidaasi fariin ah u dirtay taageerayaasha markii ay ka hadaleysay xaaladiisa.

M.A.Rashiid

Xafiiska Bosaso

 
Comments Off on C.Ronaldo Oo Looga Shakiyay In Uu Qabo Durayga Dofaarka

Posted by on August 14, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.