RSS

Punt-Land Oo Heshiis lagula Dagalamaya Burcad Badeeda La gashay England

14 Aug

puntland Galkacyo: Dowladda Puntland iyo dowladda Britain waxaa ubilowday taariikhda markii ugu horeysay wada hadalo ku aadan Ladagaalanka Kooxaha Burcad badeeda ah, waxaana wada hadalo ku aadan arrimahan ku yeeshay Markab weyn oo taagan meel aan wax badan ka fogeyn Biyaha magaalada Boosaaso, madax ka socotay dhinacyadan oo isla soo qaaday xaalado badan.

Dusha sare ee Markabka layiraahdo Cornwall oo ay leedahay dowladda Ingiriiska, una jooga Biyaha dalka Soomaaliya la dagaalanka Burcad Badeeda ka dilaacday xeebaha dalka Soomaaliya ayaa ay ka dhaceen wada xaajoodyadii ugu horeeyey oo ahaa kuwa wax badan looga wada hadlay.

Qodobada ay soo qaadeen dhinacyada waxaa ugu muhiimsanaa sidii loo kaalmeyn lahaa dowladda Puntland, loogana taageeri lahaa sidii gacan looga siin lahaa Ladagaalanka Burcad Badeeda ee dhinaca Bariga, isla markaasna go’aamo ayay gaareen dhinacyada, sida uu sheegay masuul sare oo ka tirsan dowladda Puntland oo ka socday dowladda Puntland.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Badda ee dalka Ingiriiska ka jooga dalka Soomaaliya oo fadhiyey shirkaasi ayaa soo jeediyey in Caalamka oo dhan ay ku taageeraan dowladda Puntland la dagaalanka Burcad badeeda ee dhinaca dhulka, maadaama uu sheegay in ay iska soo abaabulaan gudaha gobalada Puntland oo ay maamusho dowladda Puntland, isagoo sheegay in ay dowladoodu Ole-Oleyn weyn ugalisay hirgalinta qorshahaasi.

Wasiir ka tirsan dowladda Puntland qaabilsana Dekedaha iyo Gaadiidka Badda lana yiraahdo C/risaaq Xuseen Gaceyte ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wada hadaladan, wuxuuna sheegay in ay dowladdiisu dagaal adag kula jirto kooxahan Burcad badeeda ah oo uu ku sheegay in ay ka soo horjeedaan daganaanshaha iyo horumarka deegaanada Puntland.

Mr. Gaceyte wuxuu sheegay in ay Burcad badeedu khatar weyn ku yihiin dalka Soomaaliya oo dhan iyo socodka gaadiidka Caalamiga ah ee Biyaha ku dhow kuwa Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Caalamka oo dhan in ay gartaan talada ay garatay Xukuumada London oo uu sheegay in ay wadiiqo wanaagsan raacday.

Dhinacyada ayaa isku raacay qorshe dheer oo wax looga qabanayo xaaladaha Burcad Badeeda xeebaha dalka Soomaaliya, kuwaas oo dhibaato ku haya Maraakiibta maraysa Biyaha dalka Soomaaliya iyo kuwa Caalamigah, isla markaasna sidoo kale qabsaday Maraakiib maraysay meel aan waxba ka fogeyn dekeda magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Osman Abdullahi
Xafiiska Galkacyo

Advertisements
 
Comments Off on Punt-Land Oo Heshiis lagula Dagalamaya Burcad Badeeda La gashay England

Posted by on August 14, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: