RSS

Dowlada KMG ee Soomaaliya oo ka dalbatay Dowlada Nigeria In ay soo da-dajiso Ciidamada ugu yaboohday Dalka Soomaaliya. 24 Aug 2009

24 Aug

Ciidamada Nigeria Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa ka dalabtay dowlada Nigeria in ay soo da-dajiso ciidamada ay dhawaan ugu yaboohday Dowlada KMG ee soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada AMISOM.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah C/raxmaan C/shakuur oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxda Dowlada Nigeria in ay soo da-dajiso ciidamada ay ugu deeqday u soo diritaanka Caasimada magaalada Muqdisho.

Wasiirka waxa uu sheegay hadii la keeno ciidamadaasi isla markaana la kaamilo tirade rasmiga ah ee loogu yaboohay dalka Soomaaliya Ciidamada AMISOM wax badan ka badali doonaan xaaladaha cakiran ee dalka soomaaliya.

Dhanka kale wasiirka waxa uu ka warbixiyey ciidamo dowlada KMG dhawaan tababar ugu qaaday Dalalka Jabuuti iyo Ugandha, kuwaasoo sheegay marka ay soo dhamaystaan tababaradooda wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee ka jira Dalka soomaaliya.

Si kasta oo ay ahaato hadalkan ka soo yeeray Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili dhawaan qeylo dhaan ku aadan ciidamo shisheeye dalbadeen madaxda ugu saraysa dowlada KMG ee Soomaaliya.

Osman Abdullahi
Xafiiska Galkacyo

Advertisements
 
Comments Off on Dowlada KMG ee Soomaaliya oo ka dalbatay Dowlada Nigeria In ay soo da-dajiso Ciidamada ugu yaboohday Dalka Soomaaliya. 24 Aug 2009

Posted by on August 24, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: