RSS

Capteka Chelsea FC Ahna Captanka Qaranka ENGLAND oo HEshiis Cusub La Saxiixday Chelsea FC

01 Sep

 John +Tery LONDON (AFP) – Chelsea captain John Terry ayaa qalinka ku duugay 5- sano oo hishiis cusub ah shalay isagoo u balan qaaday kooxdiisa inuu la joogi doono ilaa laga gaaro 2014.
Terry, oo 28 sano jir ah, ayaa horey u balan qaaday inuu hishiiskaan uu gali doono markii uu diiday hishiiskii ay u soo abndhigtay Manchester City si ay ula waregto.
City ayaa sheeggay markaasi in ay u balan qaaday Terry in ay todobaadkii siin doonto 200,000 pounds hadii uu ku soo biiro kooxda reer Eastlands, laakiin difaaca xulka England ayaa iska diiday qandaraaskaasi isagoo sheegay inuu jecel yahay inuu mustaqbalkiisa ku soo gabagabeeyo garoonka Stamford Bridge , wuuna ka dhabeeyay markii uu shalay qalanka ku duugay inuu todobaadkii uu qaato 150,000 pounds a week.
“Chelsea waxaa farxad u ah hishiiska John Terry uu u saxiixay kaasoo ah mudo 5 sano ah , kuna heyn doona kooxda ilaa iyo dhamaadka 2013-14 season,” sidaasi waxaa lagu sheegay hadal ka soo baxay website kooxda.
Terry, ayaa wuxuu Chelsea la joogay ilaa iyo yaraantiisii , laga soo bilaabo 14 sano jirnamadiisii, hishiiskiisii hore waxaa ugu harsaneyd 2 sano. Hayeeshee Blues owner Roman Abramovich ayaa si shaqsiyan ah u soo fara galiyay markii ay City isku dayday iney qaadato ciyaaryahankaasi isagoo u sheegay war ka farxiyay oo ah inuu noqonayo ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda (Terry the highest paid player at the club).
Wuxuu u saftay 276 kulan 12 sano oo uu ka ciyaarayay garoonka Stamford Bridge , xulkiisa England wuxuu u saftay 54 kulan laga soo bilaabo 2003.
Terry wuxuu noqday captain ugu safashada badan taariikhda kooxda Chelsea’s history, wuxuu u horseeday kooxda inuu u qaado 2 horyaal oo Premier League , 4 koob oo FA Cups ah , 3 koob oo League Cups ah iyo Cup Winners Cup 11-kii sano ee ugu danbeysay.
Kooxda Blues hada waxey horyaalka Premier League kaga jirtaa kaalinta 1-aad markii ay badisay 4-tii kulan ee ugu horeysay iyadoo uu sanadkaan wato Carlo Ancelotti.
Chelsea’s John Terry, wuxuu sanadkaan qaatay abaalmarinta Best Defender of last season’s UEFA Champions League,

M.A.Rashiid

Xafiiska Bosaso

Advertisements
 
Comments Off on Capteka Chelsea FC Ahna Captanka Qaranka ENGLAND oo HEshiis Cusub La Saxiixday Chelsea FC

Posted by on September 1, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: