RSS

PUNT LAND OO AQBASHAY IN LAGU QABTO CIYARAHA OLOMPIC SOMALIA

01 Sep

madaxda-Puntland LONDON- Aqristayaasha sharafta leh waxaan faaladan Sports ku eegaynaa warka ku soo baxay Gudiga Olampikada Soomaaliya(GOS) iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ( XSKC) oo ay ku sheeganayaan inay ku qaban doonaan xaruunta Maamul gobaladeedka Puntland ee Garoowe dabayaaqada sanadkan 2009 wax ay ugu yeereen ‘’Cayaaraha Olampicada Gobalada Soomaaliya’’.
Waxaa dhinaca Puntland goob joog ka ahaa madaxda sar sare ee maamulka gobalada Puntland sida Madaxwaynaha mudane C/raxmaan Mohamud ‘’ Faroole’’ Madaxwayne ku xigeenka Abdisamed Ali Shire, Wasiirka Sports maamulka Puntland Mohamed Abdi Nur iyo masuuliyiin kale,halka ay goob joog ka ahaayeen rag ka tirsan Olampicada Soomaaliya sida Ku xigeenka 1aad ee GOS mudane Duran Farah ahna sii hayaha xilka Gudoomiyanimada GOS , Gudoomiyaha XSKC mudane Siciid Mugaabe, ku xigeenkiisa Cali Siciid iyo Xoghayaha guud ee XSKC mudane C/qani Sicid Carab.
Ugu horeyntii waxaa wax lagu farxo ah inay GOS iyo xiriirada hoos yimaada sida XSKC inay maanta gartaan in Sports Soomaaliyeed la gaarsiiyo miyi iyo magaalaba si bulshada ama dhalinyarada Soomaaliyeed u helaan fursado Sports isla markaana maamulkii ku oodnaa hotel ku yaal magaalada Muqdisho 20 sanadood in maanta uu u soo jeesto inuu wax u qabto dad Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay ka faaidaystaan fursadaas qaaliga ah kadib markii 20 sanadood oo hore laga hortaagnaa in si xaq ah wax loogu qaybiyo dhamaan dadka iyo gobalada dalka oo dhan, hasayeshee waxaan rabaa inaan qormadayda dulucdiisa hoosta ugu sii daadago si dadka aqrisan doono ee kale duwan si ay uga bogtaan ujeedada aan ka leeyahay qormadaan oo taabanaysa meelo badan.

Waan ku amaanaynaa hadiiba ay garteen inay gobalo Soomaaliyeed oo nabad ah isla markaana leh maamul iyo kale dambayn inay ku qabsadaan barnaamij Sports ujeedo kasta ha laga lahaadee hasayeeshee waxaanse kale oo muhiim in gobalada dalka ee kalane la gaarsiiyo isla markaana la siiyo fursadan oo kale.

Balse waxaan dhaliilsan nahay magaca loo bixiyay tartankaan oo ah mid aan haysan sharciyad islamarkaana aan ka jirin caalamka kale,Soomaaliyana aan soo marin tartan lagu magacaabo Cayaaraha Olampicada Gobalada Soomaaliya balse aan hore u lahayn Dowlad ahaan iyo Qaran ahaanba tartankii Cayaraaha Gobalada Soomaaliya oo ay ka soo qayb gali jireen 18 gobal ee uu ka kooban yahay Jamhuuriyada Soomaaliya ee la aqoonsan yahay,

marka ma is oran karnaa waa mashruuc la doonayo in lagu helo aduunyo kale si hay’adaha deeqaha siiyo Sports Soomaaliya in loogu dhigayo Filmaantii hore loogu dhigi jirey mid ka duwan oo cusub kana qatarsan Filmaantii lagu jili jirey xaafada CabdiCasiis ee magaalada Muqdisho oo hada la iska dhigo dad Sports Soomaaliyeed waji kale u yeelay oo gaarey meelo ka baxsan caasimada dalka oo markii hore aysan aadi jirin, iyagoo awooda inay garaan bilaa sabab, marka maxaa sababay inay in maanta Puntland loo raro cayaarihii Gobalada dalka oo loo bixiyay magac kale oo mucjiso ah?.
Waayo Olampicada Soomaaliya xaq uma laha inay cayaaro ku qabato dalka Soomaaliya iyadoo ogolaansho ka helin Dowlada Soomaaliya sida Wasaarada dhalinyarada iyo Isboortiga Soomaaliya, halka maamulka Puntland-na uusan xaq ugu lahayn inay gobalada ay ka arimiyaan inay ku qabtaan wax ka baxsan maamulkooda wax laga soo abaabulay waayo Wasaarada Sports ismaamulka gobalada Puntland hoos yimaada ayay ahayd inay qabsadaan cayaarahooda oo dhan isla markaana ay kale tashadaan Dowlada Soomaaliya Wasaarada u qabilsan Arimaha Isboortiga iyo Dhalinyarada halkii ay heshiis aan sax ahayn ay kula galayaan deeganadooda dad boorsooyin Laptop ku wata jeebkana Calanka Soomaaliya ku sita iyo waraaqo ku shabadaysan inay yihiin hay’ada ugu sareysa Sports dalka isla markaana sheeganaya inay matalaan dhamaan Sports Soomaaliya iyagoo aan dalka Soomaaliya ku lahayn xafiis iyo degaano loogu soo hagaago, sababtoo ah dhamaantood dalka kama howl galaan waana qurba joog u tagay inay howl qabyo ah ka soo fushadaan gobalada Soomaaliyeed ee Puntland.
Maamulka Puntland waxaa la gudboon inay si wanaagsan uga baraan degaan arinka ah in caasimada ismaamulka gobalada Puntland ee Garoowe lagu qabto wax loogu yeeray Cayaaraha Olampicada Gobalada Soomaaliya hadii kale mar aan maanta ahayn ayay ku soo baraarugi doonaan waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa nin adoo fadhiyo ku arki waayay looma sara joogsado,sababta aan sidaasi u leeyahay waxaa weeye Puntland maanta maa la dhisay oo ay nabad iyo nidaam yeelatey mise way leedahay 10 sanadood ee la soo dhaafay?.
Jawaabtu waa maya Puntland shalay way jirtey laakinse waa la xaqiraayay shalay maantase waa loo baahan yahay oo Card in la marsiisto ayaa la rabtaa.
Soomaalidu waxay tiraahdaa waa baahan nahay baqtiga looma cuno marka waxaan filayaa in aan lagu sirmin shirqoolka ay ka wadaan gobalada dalka qayb ka mid ah kuwa isku koobay maamulka Sports Soomaaliya iyo dhaqaalaha ay ku soo qaataan Sports dalka.Soomaaliya guud ahaan.
Tusaale ahaan waxaad samaysaan baaris dhaqaalaha FIFA ay Goal Project iyo FAP ( Financial Assistance Programa) ku siisay dalka Soomaaliya mashrucii Staduim Conis 22 Oktobar 2008 lacag dhan 1.159.804 US Dolar( Google tag hadii aad haysato internet ku qor Goal Project Somalia 2006 hadii aad doonaysid inaa xogtaan aqrisato).
Garoonka Garoowe ku yaal run ahaantii waxaa samaystey maamulka ka jira magaalada Garoowe waana ku mahadsan yihiin laakinse su’aasha ay dadka Soomaaliyeed is waydiinayaan waxay tahay XSKC & GOS maxaysan u doonaynin dhaqaalaha ay ku soo qaatan magaca Sports Soomaaliyeed aysan dalka iyo dadkaba wax ugu qaban la yihiin?
Ugu dambayntii Maamulka Puntland waxaan ka codsanayaa inaysan ku qaldamin dabinka loo dhigay ee ah in laga faaidaysto Nabada iyo nidaamka ka jira deeganooda iyadoo la rabo in si xeeladaysan caalamka looga dhaadhiciyo in shaqadii ay magaca Soomaaliyeed ay wakiilka uga ahaayeen inay ka fulinayaan dalka Soomaaliya isla markaana Sports Soomaaliya iyaga ay maamulaan balse bil cagsi Sports Soomaaliyeed waxa u noqday mid si burbura isla markaana dadkii Sports lagu yaqiin laga faroormarsaday, Dowladii Soomaaliyeed ee wakiilka ka ahayd dalka iyo dadka la dhaho waxbo ma tihiin Spors waa hay’ad idinka madax banana si loogu shaqaysto sidii NGO, taasoo ah arin foolxun oo aan la aqbali Karin.
Marka maamulka Puntland waxaa looga fadhiyaa inay si wanaagsan ula xisaabtanto GOS & XSKC isla markaana Dowlada Soomaaliya sida Wasiirka Sports iyo dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble kala xaajoodaan arinkaan inta mashruucan aan lagu fulin deegaanadooda sharafta leh ee Nabada iyo Nidaamka ka jira insha Allah, si ay isula meel dhigaan qaabka Cayaraaha Gobalada dalka loogu marti galin karo magaalada Garoowe cayaarahan, hadii kale eeda iyo foolxumada halkaasi ka soo baxdo iyagaa qaadaya maamul ahaan madaama ay aqbaleen inay marti galiyaan tartan magac u yaal oo aysan ka soo qayb gali doonin gobalada dalka Soomaaliya intiisa kale, sababta waxaa weeye biloowga hadii howsha fashilinto gadaal sida wax looga saxo way adkaanaysaa, marka hadiiba aad rabtaan inaad ku marti galisaan deegaanka maamulkiina u ka shaqeeya Soomaaliweyn waa fursad qaali ah ee uga faaidaysta sida ay tahay iyo sida dadka Soomaaliyeed ay u doonayaan waayo waan doonaynaa inaan aragno dhalinyaradii Soomaaliyeed oo gobalada dalka isaga timid oo aad ku marti galisan dhul Soomaaliyeed oo nabad ah.
Maamulka GOS sida sii hayaha xilka gudoomiyaha GOS Duran Farah iyo maamulka XSKC oo dhan waxaa la idin kaga fadhiyaa inaa faahfaahin ama sharaxaad ka bixisaan magaca Cayaaraha Olampicada Gobalada Soomaaliya aad u bixiseen ujeedada ka dambaysa iyo waxa loo badalay magacii dadka Soomaaliyeed ay yaqaaneen ee ahaa Cayaaraha Gobalada Soomaaliya oo la qaban jirey barisamaadkii iyo sababta keentey in dhaqaalaha idinka soo gala IOC, NOC,OS,FIFA aydan wax ugu qabanaynin sidii loogu talagalay iyo sababta keentey inaa xaqirtaan Wasaarada Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya oo ah hay’ada kowaad ee ugu sareysa maamulida iyo jaangooynta Sports Soomaaliyeed oo aad hoos tagnaa sharci ahaan waayo ma tihiin NGO ama urur ka madax banana Dowlada iyo Calanka Soomaaliya.
Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta waxaan su’aalayaa sababta keentey dhaqaalihii Goal Project iyo FAP ee Soomaaliya loogu deeqay 2008 inay ku dayactiraan garoonkii duqa ahaa ee Conis isla markaana ku fuliyaan waxyaabo badan oo hoos yimaada Sports Soomaaliya aysan sanad kadib wax la taaban karo lagu qabto,marka hadii aad doonaysaan in Garoowe ku qabataan tartanka qiimaha badan u leh bulshadeena Maselaga yabaa in garoonka Kubadda cagta Garoowe inaa dayactirtaan ka hor furitaanka tartanka aad ugu yeerteen Cayaaraha Olampicada Gobalada.
Tartanka Cayaaraha Olampicada Gobalada ee lagu qaban doono Allaha u raxmadee Mire Awaare Staduim hadii Allah idmo sida ay shaaciyeen masuuliyiinta maamusha Sports Soomaaliya inkastoo cayaaraha ay qaban doonaan aan la shaacin inta nooc ay yihiin madaama loogu yeeray Olampic games Somalia.
Waxaan kale halkaan ugu hambalyaynaa tilaabada geesinimada iyo go’aanka leh ee u qaatey sii hayaha xilka Gudoomiyaha GOS Mudane Duran Farah oo markii ugu horeysay in cayaaraha Soomaaliya la gaarsiiyo gobal ka mid ah gobalada Soomaaliya, isla markaana qalab Sports badan kale duwan gaarsiiyay magaalada Goldogob kadib markii Gudoomiyihii hore GOS uu qaxootinimo waydiistey dalka Denmark, arinkaas oo ah tilaabo wanaagsan.

XiGASHO SSPMEDIA.com

Advertisements
 
Comments Off on PUNT LAND OO AQBASHAY IN LAGU QABTO CIYARAHA OLOMPIC SOMALIA

Posted by on September 1, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: