RSS

Garowe: ” Waxaan ugu baaqayaa Walaalaha Somaliland in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada” Madaxweynaha dowladda Puntland

12 Sep

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhamaanba dadka gobalada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo Siyaasada, isagoo sheegay in ay wax laga xumaado ay yihiin rabshadaha maanta ka dhacaya Somaliland oo uu nasiib xumo ku sifeeyey.

Madaxweyne Faroole wuxuu hadalkan ka sheegay mar ay si wadar ah Saxaafada ula hadleen Madaxweynaha iyo Wakiilka Qaramada Midowbay uqaabilsan xaalada dalka Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, waxaana uu Madaxweyne Faroole xaqiijiyey in ay sare uqadaan xaalada dalka Soomaaliya.

Mr. Faroole wuxuu cadeeyey in ay uaqoonsan yihiin Somaliland qeyb ka mid ah dalka Soomaaliya, isla markaasna ay la mid yihiin Puntland, ayna ku nool yihiin dad badan oo Walaalo la ah dadka Soomaaliyeed, isagoo ka dayriyey dagaalada maanta ka bilowday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale cadeeyey in ay dowladiisu ku talaabsatay horumar wanaagsan oo ku aadan dhinacyada amaanka iyo Siyaasada, isagoo soo qaaday bishii ugu dambeysay ee uu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo oo uu xaqiijiyey in ay wax badan ka badaleen xaaladaha magaalada Gaalkacyo.

” Bishii ugu dambeysay waxaan howl balaaran ka haynay magaalada Gaalkacyo, waxaan ku qaabilnay magaaladaas Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka Mr. Cumar C.rishiid Cali iyo Wafdi ka socdey Midowa Yurub, waxaan hagaajinay amaanka iyo Maamulka gobalkaas oo aan hada ka dhignay mid hufan” Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa ayaa hada shir hoose la leh Wafdiga Qaramada Midowbay, waxa ay ka wada hadlayaan lama oga sida ay sheegayaan warar Madax banaan oo ka soo baxaya aqalka Madaxtooyada

ANiso Macalin ALi
Xafiska Nairobi

Advertisements
 
Comments Off on Garowe: ” Waxaan ugu baaqayaa Walaalaha Somaliland in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada” Madaxweynaha dowladda Puntland

Posted by on September 12, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: