RSS

Kooxda Chelsea oo Xalay Barbar dhicii labaad Gashay

13 Dec

LON
London: Ciyaarihii xiisaha lahaa ee ka dhacay HOryaalada Ingiriiska ayaa dhaaman waxaa laga dhigay Wacdaro Hadii
Aynu ku Horeyyno Horyaalka Ingiriiska xalay waxaa dhacay ciyaaro la oran karo waxa ay ahaayeen Mucjiso

Kooxda Chelsea waxaa ay Gurigeeda ku Qaabishay kooxda Everton labadani naadi ayaa xifaaltan weyn ka dhexeeya oo xaga Kubada Cagta ah, CIyaata oo ahayd mid aad U kulul ayaa Waxaa ay sababtay in Goal Hayaha Chelsea P.Cech uu iska Dhaliyo Goal, Hase ahaate Ciyaarta ayaa sii Kululatay

Laacibka reer IvorCoast D. Drogba ayaa waxaa uu suuro galiyay in uu Golka Breejada keeno hase ahaate intaa kuma hakan Laacbka Muslimka ah ee Anelka ayaa Goolka Horyaalnimada Ciyaarta ah keenay

Intii aan laga bixin Qaybtii Hore ee CIyaarta Hase ahaate Gaba Gabo la Joogo ayaa Laacibka Reer Everton ee Yakubu Keenay Goalki Bareejada Halkaasi ayaa lagu kala Nastay Qaybtii Hore ee CIyaarta

Markii lagu soo laabtay garoonka Qaybtii labaad ayaa waxaa bilowmay weerar ka duwan kii Hore oo ay labada naadi la Yimaaden Taasi ayaa suuro galisay in Daqiiqadii (59) Drogba keeno Goalkiisii labaad ee isla Ciyaartan


Hase ahaate waxaa la oran karaa uma suuro Galin in Chelsea ay Qaadato dhibcihii Ciyaartaasi maxaa Yeelay weerar Yahanka kooxda Everton ee SAHA ayaa isagu keenay Goolkii Bar Bar Dhaca ee Daqiiqadihii danbe ee CIyaarta waxaa ay Ku soo Gaba Gabowday ciyaartaasi (3-3) Hase ahaate wali waxaa Hogaanka haya Kooxda Chelsea maxaa Yeelay Man Utd Ayaa xalay DHaqaaqi wayday oo kooxda Astonvila Ku dhagtay Ciyaartaasi oo ka dhaceysay Guriga Man Utd waxaa ay ku soo dhamaatay (1-0) Chelsea ayaa la oran karaa Nasiibka ayaa saaciday maxaa yeelay Kooxdi Hogaanka kala wareegi Lahayd ayaa Lagu Dhagay waa Man Utd
Ciyaarta kale ee xiisaha badan ee Isla Horyaalkani Ingiriska ka Dhici doonta ayaa ah mida dhex mari doonta kooxaha Liverpool Iyo Kooxda Arsenal Kooxda Liverpool Rajo ayeey Qabtaaa oo Kooxihii ku Haysta Booski AY ka Lahayd BIG 4 intooda badan Xalay Qayna waa laga badiyay Qeybta kalena waxa ay Galeen BarBar Dhac

Taasi oo U saamixi Doonta Hadii ay Ka soo baxdo Ciyaartani caawa In Ay Ugu Yaraan ka soo Ag Dhawaato Afarta waaweyn
Kooxda Tottenham Xalay waxaa ay marti Galisay Kooxda dhawaan ka Soo Baday Horyaalka Labaad ee Ingiriska ee Hoose ee wolveHamton Hase ahaate Ma noqon sidi la Maleynayay, Kooxda Wolve Ayaa Goal keensatay Daqiiqadii (3aad) ee Qaybtii hore ee Ciyaarta Goalkaasi ayaana Guushu ku Raacaday Kooxda Wolve, Taagerayaasha Tottenham ayaa U qaadan waayay Ciyaartanin waxa dhacay laakin Cashar kaasi ayaa u Noqon Doona Mid Lama Ilaawaan ah

Mohamed A Rashiid Mohmud
Boosaso

Advertisements
 
Comments Off on Kooxda Chelsea oo Xalay Barbar dhicii labaad Gashay

Posted by on December 13, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: