RSS

RealMadrid iyo Barcelona oo xalay badiyay

13 Dec

Galkacyo: Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo ah labada kooxood ee ugu awooda badan horyaalada dalka Spain ee La Liga ayaa wali isu jawaabaya kadib marki ay xalay wada badiyeen kulamo ay ciyaareen.

Gool uu rigoore ugu dhaliyey Zlatan Ibrahimovic ayey Barca kaga adkaatay naadiga Espanyol iyadoo wali ka sareysa kooxda kusoo xigta ee Real oo ay haatan ka sareyso shan dhibcood oo nadiif ah.

Tababataha kooxda Barca Pep Guardiola ayaa jebiyey rikoor uu horay usameeyey tababarihii hore ee kooxdaasi Terry Venables kaasoo ahaa in aanan kooxda laga badin 15 kulan oo xiriir ah xilli ciyaareedkii 1984/85 ,Barca ayaa haatan xalay kulanki ay ciyaartay waxa uu u ahaa 15 kulan oo xiriir ah oo aanan dhinaceeda dhulka la dhigin ayaa jebisay rikoo

Naadiga Real Madrid ayaa iyaduna xalay ku dur durisay kooxda Valencia oo ay ku dar dartay 3-2,laba ka mid ah goolasha waxaa siiyey kooda Real ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara la yiraahdo Higuain.

Ciyaaraha kalana kooxda Athletic Bilbao ayaa 2-1 kaga adkaatay naadiga Zaragoza.

C.Qani Bardacad
Xafiiska Galkacyo

Advertisements
 
Comments Off on RealMadrid iyo Barcelona oo xalay badiyay

Posted by on December 13, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: