RSS

Nairobi: Tiro Badan Oo ka Mid Ah Ciyaartoyda Reer Eriteria ayaa Ku Baxsaday Gudaha Kenya

15 Dec


Tiro ka mid ah ciyaartoyda xulka qaranka ee dalka Eritrean ayaa ku goostay dalka Kenya, kadib markii ay ka qeybgalen tartanka CECAFA , sidaa waxaa AFP u sheegay xoghayaha guud ee ururka the Council of East and Central Africa Football Associations (CECAFA) Nicholas Musonye xalay.
Ciyaartoyda oo la filayay iney dib ugu laabtaan magaalada Asmara habeenkii sabtida markii ay lagu soo reebay heerka quarter-finals ee tartanka CECAFA Senior Challenge Cup ayaa la waayay xilli la filayay iney garoonka yimaadaan.
Waxaa lagu soo waramay iney ku dhuunteen magaalada Nairobi oo ay baxsadeen si ay magan galyo u raadsadaan , iyadoo cadaadis badan uu ka jiro wadankooda.
“aad ayaan ugu naxay oo aan ugu murugooday dhibka dhacay , ma ahana wax wanaagsan in ciyartoy ay dhuuntaan oo ay baxsadaan , maxaa yeelay waxey bixineysaa fikir qaldan oo xun gaar ahaan sports gobolka,” Musonye ayaa laga soo xigtay.
“xiriiir wanaagsn ayaan la leenahay Eritrean Football Federation. Hayeeshee waxey tani sababi kartaa in dowlada Eritrean aysan mar danbe ciyaartoyda u ogolaan iney soo fasaxdo si ay ugu qeybgalaan tartanka CECAFA , iyadoo ka baqeysa sidan oo kale iney dhacdo,” ayuu sii raaciyay.
Ma ahana markii ugu horeysay ee ciyaartoyda Eritrean ay u fakadaan oo ay u baxsadaan.
Bishii May 2006, 4 ciyaartoy oo la socday Eritrean football club, Red Sea, oo la filayay iney la ciyaaraan kooxda Kenyan champions aheyd ee Tusker kulan ka tirsanaa African Champions League match, ayaa ku goostay Nairobi iyagoo ka baxsanaya cadaadiska ay dowlada wadankaasi ku heyso.
Dowlada Eritrean waxey soo saartay sanadkii 2007 sharci ah in dhamaan ciyaartoyda dalka dibadiisa u safreysa ee tartamada caalamiga ah ka qeybgalaya ay dhigaan lacag deposit ah oo gaareysa 100,000 Nakfa oo u dhiganata (6,700 dollars) ka hore inta aysan wadanka ka tagin ..

Superz09@hotmail.com
Bosaso Somalia

Advertisements
 
Comments Off on Nairobi: Tiro Badan Oo ka Mid Ah Ciyaartoyda Reer Eriteria ayaa Ku Baxsaday Gudaha Kenya

Posted by on December 15, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: