RSS

Gattuso Oo Heshiis Cusub La Galay Milan

16 Dec

MILAN:- Laacibka qadka dhexe ee xulka Talyaaniga Gennaro Gattuso ayaa kordhiyey heshiiska uu kula joogay naadiga kadib marki uu saxiixay heshiis ku ek bisha June 2012.

Bayaan kasoo baxay AC Milan ayaa lagu sheegay Gattuso uu balan qaaday in ciyaarihiisa uu kusoo afmeeri doono kooxda Milan taasoo meesha ka saareysa in uu ka tago kooxda si uu ugu biiro kooxo kale oo isaga si aad ah u doon doonayey.

Warbaahinta ayaa baryahan hadal heysay in kooxda ka dhisan horyaalka Premier League ee Manchester City ay si aad ah u xiisneysay Gattuso kadib marki laacibkan 31 jirka ah uu sheegay bishi hore in uusan ku faraxsaneyn fursadaha yar ee uu siinayo tababaraha cusub Leonardo.

Agaasimaha guud ee Milan Adriano Gallianiayaa dhawaan qiray in Milan aysan ka nixi doonin hadii uu Gattuso go,aansado in uu ka tago kooxda,hase yeeshee haatan arimhaasi waa la xaliyey marki ay la hadleen Galliani and Leonardo.

Gattuso ayaa waxaa hareeyey dhaawacyo tan iyo sanadi 2006,waxaa haatan uu uga maqanyahay garoonka dhaawac uu ka qabo jilibka,booskiisa waxaa xirtay sadex ciyaaryahan iyadoo ay sii adkaan doonto sida uu u heli karo booskiisa marka uu yimaado kooxda David Beckham bisha Janaury ee sanadka soo socda.

Superz09@hotmail.com

Advertisements
 
Comments Off on Gattuso Oo Heshiis Cusub La Galay Milan

Posted by on December 16, 2009 in Uncategorized

 

Tags:

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: