RSS

Zurich: Laacibnimada Caalamka oo La Bixiyay Iyo Messi Oo La Dheelmaday

22 Dec


Laacibka dada Yar ee Reer Argentina iyo Kooxda Barcelona Lionel Messi, ayaa xalay waxaa uu Qaatay Laacibtinimada Caalamka Ee dhinaca Kubada Cagta,
Messi ayaa waxaa loo doortay in Uu Noqdo Fifa World Footballer of the Year” abaal marintani oo ay sanada walba bixiso Fifa waxaa sanadkani Uu Messi Ku Helay codad gaaraya 1073 cod, waxaa ku soo Xigay
CiyaarYahanka C.Ronaldo oo Helay 352 Xavi ayaa ku soo Xigay waxaana Uu Helay 196 Iyadoona KaKa Uu Helay 196 Cod
Messi ayaa waxaa Uu ahaa Mid Loo saadaalinayay waayadan In Uu qaadan Doono Abaal marintani Ballon dOro award this year.
Messi ayaa waxaa uu Yahay Laacib 22 sano Jir ah, si Aad Ahna ay Ugu tashato Naadigiisa Barcelona, waxaana sanadan Aynu Ku Jirno ee 2009 Uu La Qaaday Kooxdiisa Koobab Badan oo Ay ka mid ahaayen, Champions League, La Liga Iyo Spanish Cup Iyo sidoo kale Messi waxaa u La Qaaday Isla sanadan Aynu Ku Jirno Kooxdisa Barcelona Koobabka Kala Ah, Spanish Super Cup, European Super Cup Iyo Club World Cup,
Messi oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad Ugu Faraxsan Yahay in uu Noqdo Laacibka Aduunka, Isagoona u mahad Celiyay dhamaan Laacibiinti ka Horeysay Iyo Kuwa Kale Ee kala safta Naadiga Barcelona,
Geesta kalena waxaa la Bixiyay Abaal Marino kale oo ay ka mid Yihiin Gool Hayaha Ugu Wanagsan oo Uu Qaatay, Iker Casillas, Hase ahaate waxaa Halkaasi Ugu Badnaa ciyaar Yahanada Reer Barcelona Oo Abaal Marino Qaatay
waxaana ka Mid Ahaa, Dani Alves, Xavi, Iniesta, kuwaasi oo qaatay Abaal Marino Kala Duwan,
C.Ronaldo ayaa isagu Halkaasi Abaal Marin ka Qaatay Taasi oo ahayd Goolka Ugu Quruxda Badan Oo La Dhaliyay sanadkan, Goolkaasi ayaa waxaa Lagu Qiimeyay Goolki UU ka Dhaliyay Kooxda FC PORTO markii uu Ciyaari Jray Kooxda Man Utd,
Ugu danbeentina waxaa halkaasi Abaal Marino Lagu siiyay ciyaaryahano badan oo Ka Kala Yimid Naadiyada Eurob Ragii Halkaasi Ka Qaatay Abaal Marinda waxaa ka mid ahaa: Casillas; Dani Alves, Evra, Terry, Vidic; Xavi, Iniesta, Gerrard; Ronaldo, Messi, Torres. Ragaani ayaa dhaaman Salaamay Oo U Hambaliyeeyay Messi Oo Ah Laacibka Aduunka
Waxaa Iyadana halkaasi ka maqneen Abaal Marinta la siiyo Gabadha Ugu Wanaagsan Caalamaka Xaga Kubada Cagta oo ay qaadatay Ciyaar Yahanada, Kelly Smith Oo U dhalatay dalka Brazil kana ciyaarta Dalka Ingeriska,
Ugu danbeyn waxaa Halkaasi Si Qurux Badan ugu soo Gabagaboobay Abaal Gudyadii Loogu Tala Galay Ciyaaryahana Muteystay

Mohamed A Rashiid Mohmud
Superz09@hotmail.com

Advertisements
 
Comments Off on Zurich: Laacibnimada Caalamka oo La Bixiyay Iyo Messi Oo La Dheelmaday

Posted by on December 22, 2009 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: