RSS

Real Madrid oo cashar Ka dhigtay Gurigeeda

10 Mar

Superz09:Real Madrid oo looga naxsaday 2-0 ayaa weerar badan kadib waxaa u suuragashay iney kooxda Sevilla 3-2 kaga gudubto sidaana ay hogaanka ku fariisatay markii Rafael Van der Vaart uu u dhaliyay goolka guusha dhamaadkii ciyaarta.
Barcelona oo 10-ciyaartoy ku ciyaareysay ayaa jilbaha la qabtay markii 2-2 ay la dhaafi weysay kooxda Almeria, taasina waxey fursad siisay Real oo hogaanka ku qabtay wax loo yaqaan (goal difference), oo ah gool tirsi.
Xabi Alonso ayaa goolkii ugu horeeyay iska dhaliyay kaasoo hogaanka ciyaarta u dhiibay Sevilla daqiiqadii 9aad ciyaartii ka dhacday Bernabeu Stadium. Ivica Dragutinovic ayaa kooxda martida aheyd u dhaliyay goolka 2aad daqiiqadii 52aad, isagoo kubad laad xor ah oo toos ah shabaqa ku xareeyay taasoo ka yaabisay difaaca Madrid markii iyaga oo wada taagan uu si mucjiso ah u wada dhaafiyay.
Cristiano Ronaldo ayaa daqiiqadii 60aad goolka 1aad real Madrid u dhaliyay, iyadoo kii bareejada ahaa uu u dhaliyay Sergio Ramos daqiiqadii 64aad.

Superz09@hotmail.com

Advertisements
 
Comments Off on Real Madrid oo cashar Ka dhigtay Gurigeeda

Posted by on March 10, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: