RSS

Maamulka shabakada Sportiga ee Superz09 oo ka xumaaday xariga Maxmed Salaad cabdulle

16 Mar

Bosaso:Wariye maxmed salad Cabdulle ayaa waxaa maanta looga yeeray saldhiga boliska ee magalada Kismaayo, maxmed ayaa la sheegay in loo haysto sida asxaabtisa qayb ka mid ah ay sheegen hadalo la xiriira kulamo ka dhacay magalada Kismayo oo ay yeeshen masuuliyinta Ururada halkaasi ka arimiya

Wariyahani ayaa waxaa uu uga soo warami jiray magalada kismayo idaacadaha kala ah SBC Bosaso, Somaliweyn Radio iyo waliba war baahino kale oo dalka ka jira,

Maamulka xarakada shabaab ee magalada kismaayo ayaa waxaa ay saxaafada qaar u sheegen in maxmed salad loo haysto Qalad uu galay hase ahaate ma cara baabn qalad kaasi waxaa uu yahay,

Isku dayo badan oo ay sameeyen saxafiyiinta kala duwan ee asxaabta la ahaa maxmed salad ayaanay u suurto galin in ay faah faahin ka helaan sababaha dhabta ah ee loo haysto

Maamulka wilaayada Jubooyinka ee shabab masuul u hadlay oo la yiraah Abuu Hureyra ayaa sheegay in maxme salad danbi uu galay lagu Qaadi doono Maxkamadna la soo taagi doono

Hadaba ururada suxufiyiinta eek ala duwan ayaa waxaa ay canbaareyen xarigaasi loo gaystay maxmed salad oo ay sheegen in ay tahay wax aad looga xumaado

Maamulayaasha idaacadihii uu la shaqeynayay iyo waliba maamulka xafiiska wararka ee Puntland ee Iiroon.com ayaa iyaguna ka xumaaday xaaladaas xariga ee loo gaystay Maxmed salad Cabdulle oo runtii ahaa Nin Howl Kar ah

Maamulka iiroon.com gaar ahaan xafiiska wararka mamulkiisa ayaa ka codsaday in maamulka wilaayada Juboyinka xoriyadiisa dib u siiyaan maxmed salad,

Mohamed Tollman
Superz09@hotmail.com

Advertisements
 
Comments Off on Maamulka shabakada Sportiga ee Superz09 oo ka xumaaday xariga Maxmed Salaad cabdulle

Posted by on March 16, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: