RSS

Guruu Daahir Oo soo Saaray Buug Cusub Isla Markaasina Ku Howlan Buugaag Kale Oo Muhim Ah

21 Apr

Guruu Daahir waa wiil dhalin yaro ah isla markaasina ka mid ah da’yarta Maskaxdooda sida aadka ah u shaqeysay isla markaasina dhiiri galiayay in u soo saaro Buugaag wax ku ool ah


Qoraa Cabdifitax Daahir Cumar Guruud
ayaa waxaa uu aad u curiyay isla markaasina lala dhacay buugiisi Koowaad ee ISBADAL oo uu soo daabac sandkii 2009 kana soo saaray magalda Nairbi ee xarunta dalka Kenya

Buuga isbadal ayaa waxaa ku jira qaybo kala duwan oo marka aad aqrisato kugu reebaaya saameyn xoogan oo aad ka maqsuudeyso adigoona ka faa iidaysan kara waxyaabo badan

Buugani Isbaddel ayaa waxaa ku jira sheekooyin muhiim ah marka la eego dhaqanka sii bur buraya ee somalia oo la oran karo waxaa uu Guruu ku dadaalay sidii loo sii wadi lahaa dhaqanka somalia

HAL KU DHIGA BUUGANA WAA

GUUL !

ERAYGA “GUUL“ XARFIHIISU WAXAY KA SOO JEEDAAN;

Guul qof walba oo raba waxaa ku haboon in uu ku dhaqmo erayga “ guul “ waxa ay xar fihiisu u taagan yihiin oo Ah

G : go’aan in aad leedahay.
U : u dulqaad badantahay.
U : u fakartid si qoto dheer.
L : leedahay hadaf iyo ujeedo.

Qoraa:Cabdifitaax Daahir Cumar (guruu)

Hadba waxaa haatan Qoraaga da’da yar ku sugan yahay magalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari waxaana uu wadaa qorshayaal u ku doonayo in uu ku soo saaro Buugaag cusub

Hadaba wixii danbe uu qoro Guruu Daahir halkan ayaad kala socon doontaan Akhristayaal

Mohamed A rashiid
Madaxa Boga Superz09

Advertisements
 
Comments Off on Guruu Daahir Oo soo Saaray Buug Cusub Isla Markaasina Ku Howlan Buugaag Kale Oo Muhim Ah

Posted by on April 21, 2010 in Uncategorized

 

Comments are closed.

 
%d bloggers like this: